Somaliland: Midowga Yurub Oo Tababar Ugu Qabtay Ireland Saraakiil Ka Tirsan Ciidammadda Somaliland

Date:

Ha’yadda Midowga Yurub u qaabilsan la dagaalanka budhcad badeeda iyo xasilinta xeebaha (EUCAP), ayaa saraakiil ka tirsan ciidammadda ilaaladda xeebaha iyo Booliska Somaliland tababar noociisu sareeyo ku siiyay dalka Irland.

Sidaasna waxa daboolka ka qaaday war-saxaafadeed ay EUCAP Nestor soo saartay Isniintii toddobaadkan, waxaanay sheegeen in tababarkaasi oo ahmiyad weyn lahaa ay saraakiishaasi ku qaateen muddo sagaal maalmood ah oo u dhaxaysay 9-kii Bishan May illaa 17-kii isla bishan.
EUCAP Nestor waxay sheegtay in ujeedooyinka tabobarkan laga lahaa ay ahayd in la xoojiyo wada shaqaynta iyo isku xidhnaanta ciidammadda ilaaladda xeebaha iyo booliska, si loo fuliyo sharciga badaha ee Somaliland .
Waxa kale oo tabobarka la siiyay saraakiisha ka socday labadaas ciidan diirrada lagu saaray sidii ay xogta ammaanka xeebaha u wadaagi lahaayeen.
EUCAP Nestor waxay intaasi ku dartay in sidoo kale tabobarkaasi lagu qaatay duruus la xidhiidhay ilaalinta xuquuqda aadamaha, anshaxa ciidanimo iyo isku xidhka ha’yadaha laamaha nabad-gelyadda.
Ha’yaddu waxay u mahad naqday Wasaaradda Daakhiliga ee dawladda Ireland oo ay xustay inay kaalin wax ku ool ah ka qaateen hirgelintii tobabarkaas kooban ee oo ay tilmaantay inuu haddana ahaa mid wax ku ool ahaa.
EUCAP Nestor waxay sheegtay in ujeedooyinka ay barnaamijyadda tabobarada noocan oo kale ah ay u qabanayaan ay tahay sidii loo xoojin lahaa nabad-gelyadda badaha iyo suulinta budhcad badeedka, gaar ahaan dalalka Geeska Afrika iyo galbeedka badwaynta Hindiya si ay isku filaansho uga gaadhaan la tacaalista budhcad badeedka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...