Somaliland: Danjire Cali Aadan Oo Ka Warramay Qoraal Garnaqsi ah Oo Ay u Gudbiyeen Xafiiska Raysal Wasaaraha UK

Date:

“Qoraalkan Waxa Aanu Dawladda UK, Ugu Baaqnay Inay Aqoonsato Somaliland Oo Kaalin weyn Kaga Jirta Nabadda Geeska”

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Britain Cali Aadam Cawaalle, ayaa faah-faahin ka bixiyay nuxurka waraaq uu u qoray xafiiska Raysal Wasaaraha dalkaasi.Waraaqdaasi oo uu sheegay safiirku inay ahayd mid ay kaga dalbanayeen dawladda Ingiriiska inay soo dedejiso aqoonsiga Somaliland, isla markaana ay ogaato kaalinta ay Somaliland ka qaadan karto haddii ay aqoonsi hesho ilaalinta ammaanka gobolka iyo ka caalamkaba.

Danjire Cali Aadam oo xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN, isagoo jooga magaaladda London, ayaa ku tilmaamay qoraalka ay u gudbiyeen xafiiska Raysal Wasaaraha mid ka warbixinaysa taariikhda Somaliland iyo kaalinta dhinaca ammaanka iyo iskaashiga ay kaga jirto caalamka iyo geeska Afrikaba.
“Waraaqdaasi aanu u qornay xafiiska Raysal Wasaaraha UK, waxaa nagala soo shaqeeyay oo hormood ka ahaa koox aqoonyahanno reer Somaliland ah, oo aanu la kaashanay. Sidaas ayaananu ugu gudbinay xafiiska Raysal Wasaaraha Ingiriiska, waxaanu ka sugaynaa inuu ka soo jawaabo,”ayuu yidhi Mr. Cali Aadan.

Mar uu ka hadlayay waxa ay waraaqdaasi ku saabsanayd. waxa uu yidhi “Aqoonsiga Somaliland ayay ka codsanaysay dawladda Ingiriisku inay soo dedejiso oo ay aqoonsato, si guud sidaas ayay ahayd.Waxaanay ka hadlaysay in Somaliland uu yahay dal nabad ah, oo muddo 24 sannadood ah ku naaloonayay nabadgelyo, caalamkana wax badan la qabtay, loogana baahan yahay in ay aqoonsadaan, iyo hawsha ay hayaan ee ah in Geeska Afrika nabadgelyadiisa ay Somaliland kaalin weyn kaga jirto. Waxa kale oo ay waraaqdu ka waramaysay taariikhda Somaliland iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay inay beesha caalamka la shaqayso”.

Safiirka oo aanu waydiinay jawaabta ay ka filayaan Raysal Wasaaraha iyo mudada la filayo inay ku qaadato, waxa uu yidhi “Taasi waxay ku jirtaa, gacanta dawladda Ingiriiska, markaa iyaga ayay noo soo sheegi doona marka ay ka jawaabayaan, laakiin way naga qabteen, si wanaagsan oo sharaf lehna way nooga aqbaleen, waxa ay kaga soo jawaabaan ka hor dhici mayno, iyaga ayaynu ka sugaynaa jawaabta.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...