Somaliland: Xildhibaano Fikikooda kala Duwan ka Dhiibtay Khudbadii Dastuuriga Aheyd ee Madaxwayne Siilaanyo u jeediyay Baarlamaanka

Date:

udanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay khudbadii madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay aqalka baarlamaanka somaliland.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mida mudayaasha golaha wakiilada kana tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa dhaliiley khudbada uu madaxwayne Siilaanyo saaka u jeediyay baarlamaanka isagoo sheegay inaan madaxwaynaha looga fadhiyin inuu Sicir bararka dadka aafeeyay uu ku eedeeyo ganacsatada iyo jaadlayaasha.

Xildhibaan waxaa uu sheegay inaanay  madaxwaynaha ku raacsanayn digniinaha uu u diray dawlada Federaalka Somaliya “Waxaa maciishada Kordhiyey waa cashuuraha laban laabmay, saddex laabmay, afar laabmay ee xad-dhaafka ah ee laga qaado ganacsatada, Ganacsatadiina waxay dulsaarayaan Dadweynaha, waxaa uu ka hadlay inay sicir bararka saameeyeen jaadlayaasha, EDahah iyo ZAAD waxaanu leenahay waxba yaan lagu eedayn ganacsato yar oo shacab u sameeya adeeg, waxbana kama jiraan arintaas.”ayuu yidhi

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu intaasi ku ladhey “Madaxwaynuhu waxaa u hawada u mariyay dawlada Somaliya hadalo aan diplamaasiyada u fiicnayn, waxaa looga fadhiyay hadii uu hayo  faragalinta somaliya ku hayso Somaliland inuu umada horkeeno annaguna waxaanu ogolnahay maaha”

 

Geesta kale Xildhibaan Maxamed Diiriye Nacnac oo ka  mida golaha wakiilada Somaliland kana tirsan Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye ayaa difaacay Khudbada madaxwayne Siilaanyo u jeediyay Baarlamaanka isagoo sheegay in khudbada madaxwaynuhu ka hadlayso arimo muhiima

“Khudbada madaxwaynuhu wayna saameysay, waxaa ay aheyd khudbad wanaagsan, kamuu hadal wixii aanu soo qabanay hadaanu nahay Kulmiye, waxa uu ka hadlay ictiraaf raadintii, Somaliya iyo Sicir bararbka oo intuba way wanaagsanayd”ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

Inta badan xildhibaanada mucaaridka ee golaha wakiilada ayaan kasoo qayb galin fadhigii maanta ee madaxwayne Siilaanyo ku jeedinayay khudbada dastuuriga ah ee qaranka, xildhibaanada mucaaridka ah ee kasoo qaybgalay fadhigan ayaa kala ahaa Ibraahim Mahdi Buubaa, Baar Siciid iyo Xildhibaan Xaamud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...