Somaliland: Wadahadaladda Xukuumadda Somaliland iyo Mucaarid-ka oo Bilaabmay

Date:

Waxaa manta Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka furmey shir u dhexeeya Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda Somaliland. Shirkan waxaa ku baaqey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kadib markii khilaf iyo is-marinwaa siyaasadeed uu ka dhashey dib u dhaca Doorashada Somaliland iyo muddo kordhinta Xukuumadda Somaliland.

Shirka waxaa furey Madaxweyne ku-xigneeka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga aan mucaaradka aheyn ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Iyo guddoomiyaasha labada xisbi ee mucaaradka ah Waddani iyo UCID. Waxaa si weyn loo hadal hayey in shirkan uu furi doono Madaxweynaha Somaliland taas oo aan dhicin maanta.

Saylici oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka kulankan wuxuu sheegay in uu ku kalsoonyahay in hogaamiyayaasha mucaaradka iyo muxaafidba ay ku heshiin doonaan wax u dan ah Somaliland oo khilaafka lagu soo afjaro.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa kulankii maanta makale ku adkeystey in xilliga doorashadu qabsoonto 1 Juun 2016 xilligaas oo ah muddadii Kommishanka doorashooyinku qabteen, waxayna sheegeen in aysan sinaba u aqoonsaneyn mudo kordhinta dheer ee ay sameeyeen golaha Guurtudi kuwaas oo xilliga doorashada ka dhigey Bisha Maarso 2017.

Guddoomiyaha xisbiga aan mucaaradka ahayn ee Kulmiye ayaa saxaafadda u sheegey in shirka ay isku afgarteen isla markaana isku waaafqaeen dhamaan ajandaha shirka. Biixi ayaa sheegey in sirku maanta ahaa bilow, ajandaha shirkuna yahay in xal siyaasi ah oo lagu wada qanco soo baxo. Shirka ayaa dib u furmi doona maalinta Sabtida ah, iyada oo ajnadaha qolo kastaa ay ka soo tashanayso maalmaha Khamiista iyo Sabtida.

Xukuumadda Somaliland ayaa u aragta shirkan mid muhimad gaar ah leh isla markaana ay dib ugu dhayi karto dhaawacyadii soo gaarey xiriirka ay la lahayeen Beesha caalamka iyo deeq-bixiyaasha oo ka walaacsan xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland ee mareyska mid cakiran “Deadlock”.

https://www.youtube.com/watch?v=gRYbgEbmHAs

Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo waxaa uu ku yimid doorasho dadweyne isaga oo ka guuleystey Madaxweynihii xilligaas talada hayey Daahir Kaahin, sanadkii 2010, waxaa muddada xilkiisu ku egyahay 27 July 2015, waxay ahayd in doorashada Somaliland qabsoonto 26 June 2015, taas oo dib uga dhacdey, guddiga doorashaduna sheegey in ay qaban karaan doorashada xilligaas sanad kadib oo ku beegan 1 June 2016, waxaana khilaafku gun iyo caar bixiyey markii Golaha Guurtida Somaliland ee xilka hayey 24 sano ee la soo dhaafey ay muddo kordhin cusub u sameeyeen Siilaanyo, isla markaana xilliga doorashada ka dhigeen March 2017.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...