Militariga Talyaaniga oo illaalo ka qabanaya xarumaha muhiimka ah

Dowlada Talyaaniga ayaa shaacisay in ciidamada Militariga ay hawlgalo illaalin ah ka bilaabi doonaan magaalooyinka waaweyn ee wadanka Talyaaniga.

Ciidamadan oo gaaraya 4800 askari ayuu militariga Talyaaniga sheegay inay illaalo ka qaban doonaan xarumaha muhiima ah ee dowlada Talyaaniga, Safaaradaha, Iskuulada Yuhuuda iyo goobo kale si ay uga hortagaan weeraro argagaxiso oo ka dhaca gudaha wadankaasi.

Go’aankan ayaa waxaa Salaasadii shalay shaacisay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga.

Dalalka Yurub ayaa walaac weyn ka qaba weerarada argagaxisada ee lamid ah kuwii ka dhacay Paris iyo Kobenhagen.

Comments

comments