Somaliland: Ciidamada Booliska Laascaanood Oo La Sheegay Inay Qab-qabteen Dad Abaabulayey Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Heshiiskii Ay Kala Saxeexdeen Dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo

Date:

Wararka naga soo gaadhaya maggaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliska Laascaanood ay shalay qabqabteen dad gudaha Laascaanood ka abaabulayey mudaharaad lagaga soo horjeedo heshiiskii ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Dadkan oo doonayey inay mudaharaadkaasi dhigaan isla markaana abaabulayey dhigista mudaharaadkan ayaa ciidamada Booliska Laascaanood naloo sheegay inay xabsiga laascaanood ku gureen dadkaasi.

Waxaana dadkaasi  mudaharaadkaasi ay kaga soo horjeedeen heshiiskaasi iyaga oo sidoo kalena doonayey inay Bulshadda Buuhoodlle ku kiciyaan horjoogaha kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh iyo waftigii uu hogaaminayey ee ka qayb galay wada hadaladii Hargeysa ugu soo dhamaaday dawlada Somaliland iyo Khaatumo kuwaas oo shalay gaadhay deegaanka Widh-widh ee gobolka Sool.

Ciidamadan Booliska ayaa dadka ay qabqabteen ee abaabulayey mudaharaadka ayaa Tiradoodu dhamayd sida naloo sheegay ilaa 5 qof oo ahaa dadkii hormuudka u ahaa abaabulkan mudaharaadkan Laascaanood laga dhigayo.

Gabagabadiina dhawaan ayay ahayd kadib markii ay magaalada Hargeysa heshiiska ay ku kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo,waxaana heshiiskan si wayn uga gubtay isla markaana arrimahan lagaga soo horjeedo abaabulaya maamulka Puntland oo iyagu diidan heshiiskan guusha ah ee ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...