Kenya: Mareykanka oo $45 milyan ugu deeqay Kenya si wax loogu qabto qaxootiga

Date:

Xogheyaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa malaayin oo doolar ugu deeqay Dowladda Kenya si wax loogu qabto dadka qaxootiga ee ku nool wadankaas.

John Kerry oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan amniga iyo la dagaalanka argagixiisada.

Shir Jaraa’id uu qabtay kadib kulanka ayuu ku shaaciyey in $45 milyan oo doolar ay ugu deeqeen Dowladda Kenya si wax loogu qabto dadka qaxootiga oo ay ku jiraan Soomaali.

Lacagtaas ayaa loo isticmaali doona sidii loo sameyn lahaa goobo waxbarasho, caafimaad iyo biyo nadiif ah oo ay helaan qaxootiga.

‘ Qaxootiga si khasab ah looma celin karo’

Dhinaca kale John Kerry ayaa hoosta ka xariiqay in aan qaxootiga Soomaaliyeed ee gaaraya 600,000 qof aan si khasab ah dib loogu celin karin dalkooda.

Shir saxaafadeedkiisu ayuu ku sheegay in masuuliyinta dowladda Kenya uu arrintaas kala hadlay isla markaana ku kalsoon yahay in albaabada loo laabi doonin xerada ugu weyn qaxootiga ee Dadaab.

Dhinaca kale warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in John Kerry uu safar saacado kooban ku tegi doono magaalada Muqisho maanta oo talaado ah.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...