Senegal oo ku biiray Howlgalka Sacuudiga ee Yemen

Date:

Dowladda Senegal ayaa taageertay howlgalka uu hogaaminaayo Sacuudiga ee ka dhanka kooxaha Xuutiyinta ee la wareegay awooda dalka Yemen.

Wasiirka arrimaha dibadda Senegal Mankeur Ndiaye ayaa sheegay in 2,100 askari oo ka socda wadankaas ay ku biiri doonaan howlgalka.

Khudbad uu ka jeediyey Baarlamaanka wadankaas ayuu ku sheegay in hadafkoodu yahay in ay ka hortagaan wax walba oo khatar ah oo ka dhan ah magaalooyinka Barakaysan ee Makka iyo Madina.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka rayidka ee ku tabaaleysan colaada.

Inka badan 1,200 qof ayaa ku dhintey colaada ka aloosan dalka Yemen iyadoo ay ku barakaceen boqolaal kun.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...