Saudi Arabia: In ka badan 700-xujey oo ku geeriyoodey is Cidhiidhi ka dhacay Minna

Ugu yaraan 717 qof oo xujey ah ayaa ku geeriyoodey is cidhiidh iyo jiidh jiidh maanta ka dhacdey magaalada Minna oo ku taalla duleedka magaalada Makkah ee Boqortooyada Sucuudiga xilli ay sameynayeen dhagaxtuurka.

Isbuurashada oo aan la garanaynin waxaa sababay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmey 805-qof kale, waxaana saraakiisha Sacuudiga sheegayan in dhimashada laga yaabo in ay korodho.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa u direy goobta in ka badan 4000 kamid ah shaqaalaha gurmadka deg dega, waxaana ay gargaar siinayaan dadka ku waxyeeloobay isbuurashada.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli labo todobaad kahor wiish soo dhacay ay ku dhinteen dad ka badan 100-qof.

Shilalka ceynkan oo kale ayaa ah mid aan ka dhicin Xajka sideedii sano lasoo dhaafey.

Comments

comments