Kooxo hubaysan ayaa xalay magaalada Kismaayo ku diley Taliyihii hore ciidanka Asluubta maamulka Jubba Col Xasan Dhuub, Dilkan ayaa ka dhacay xaafada Farjano ee Kismaayo.
Kooxda dilka geysatay ayaa xabado ku furay Col Xasan Dhuub waxayna ka baxsadeen Goobta, Ciidamo katirsan kuwa Jubba ayaa gaaray goobta waxay baaris ka bilaabeen goobta.
Col Xasan Dhuub ayaa soo noqday Taliyaha ciidanka Asluubta maamulka Jubba wuxuuna xilkan ka tagey sanadkii hore, Dhuub wuxuu sidoo kale la soo shaqeeyey xiligii Urur Raaskaanbooni madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe.
Magaalada Kismaayo ayaa amaankeedu yahay mid wanaagsan balse waxaa mararka qaarka dhaca dilal qorshaysan oo lagu ugaarsanayo shaqsiyaadka dowladda ka shaqeeya ama xiriirka la leh, waxaana dilalkaa sheega in ay ka dambeeyeen Al-shabaab.