Somaliland: Wefti Ka Socda Xukuumadda Oo Hawlo Nabadeyn Ah u Tagay Taleex

Date:

iyadoo ay magaaladda Taleex ku sii qulqulayaan ergooyinka nabadaynta ee ka qayb qaadanaya nabadaynta xurguf dhawaan laba beelood ku dhexmartay magaaladaasi, ayaa shalay waxaa halkaasi gaadhay wefti ka socday xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha ee Somaliand Baashe Cali jaamac.

weftigaasi oo ka kicitimay magaaladda Hargaysa ayaa waxa ka mid ah badhasaabka gobolka Maroodi Jeex, xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo xubno odayaal, ujeedada socdaalka weftigaasi ayaa lagu sheegay inay qayb ak tahay ergooyinka loo xilsaaray furdaaminta shaqaaqo dhismasho iyo dhaawac sababtay oo dhawaan magaaladda Taleex ku dhex martay labada beelood oo halakasi wada dega.
Badhasaabka gobolka Xaysimo C/rashiid Maxamed Axmed (Xiir) oo magaaladda Taleex markii ay weftigaasi gaadheen ku soo dhaweeyay ayaa uga mahadnaqay inay kala qayb qaataan xalinta colaadda labada beelood dhexmartay.

Waxaanu sheegay in xaalada ay dejiyeen, taasi oo ay ciidamadda qaranku qayb weyn ka qaateen, isagoo ugu baaqay labada dhinac inay aqbalaan baaqyada nabada iyo xabad joojinta ah ee uga imanaya dhinacyada dawlada, madax dhaqameedka.

Baashe Cali Jaamac, oo weftiga hogaaminayay oo isna warbaahinta uga warbixiyay ujeedada socdaalka ay Taleex ku tegeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayo, ayaa sheegay in weftigooda uu soo diry madaxweynaha Somaliland, isla markaana ay ka qaybqaadanayaan xalinta dirirtii labadda beelood ee walaalaha ah dhexmartay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ergooyin madax dhaqameed ah oo ka kala socda beelaha goboladda dalka, in ay gaadhaan magaaladda Taleex si ay uga qaybqaataan xalinta shaqaaqada Taleex.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...