Somalilan: Xildhibaan Bukhaari Oo Ku Eedeeyay Shir-guddoonka Wakiiladda Inay Jabiyeen Xeer-hoosaadkii Golaha

Date:

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), ayaa ku eedeeyay shir-guddoonka Golaha Wakiiladda inay jabiyeen xeer hoosaadkii u yaalay golahaasi, waxaanu sheegay in ay qayrul sharci tahay in shirguddoonka Golaha Wakiilada dalka mar ka wada baxaan golihii oo shaqaynaya.

Xildhibaan Bukhaari ayaa sidan ka sheegay mar uu shalay u waramayay Wargeyska Dawan, waxaana uu tilmaamay in ay la xisaabtami doonaan shirguddoonka.

“Aniga oo ixtiraam u haya guddoomiyaha ku xigeenadiisa iyo xildhibaanada baxay inay wax soo koradhsadaan ay wanaagsan tahay laakiin in saddexda shirguddoon xoghayaha iyo guddoomiyihii gudida joogtada inay baxaan.Waxaan u arkaa inay xeer hoosaadka golaha khilaafsan tahay, in iyadoo golihii furan yahay oo ajandihii soconayo oo wakhti xaasaasiya lagu jiro, oo xeerarna hor yaalaan in laba toddobaad goluhu noqdo mid aan jirin oo aan cidi joogin.

Waxaanay iila muuqata inay nagu tahay cambaar aan wanaagsanayn, awalba waxa lanagu xamanayay Golaha Wakiiladu iyagaa doorashooyinka dib u dhigay oo curyaamiyay xeerarkii doorashooyinka. Tanina waa calaamad kale oo wanaagsanayn ayay nagu noqonaysaa in diyaarad wada raacaan shirguddoomkii golaha wakiiladu haddii ay fiiso dabadeed heli lahaayeena waa bay iska tagi lahaayeen.”

“Markaa waxay ahayd in cidii ka joogta in golihii shaqaynayo oo haddii wax yimaadaan uu fadhiyo guddoomiyaha oo labadiisa ku xigeen mid joogo, laakiin is-raacidoodu waa qayrul sharci, xeer hoosaadka ayaanay ka hor imanaysaa, waana waajib in laga xisaabtamayaa iyadoo golihii furan yahay” ayuu yidhi xildhibaan Bukhaari.

Xildhibaan Bukhaari, Waxa kale oo uu naqdiyay xisbiyada mucaaradka waxaanu tilmaamay in aan talada dalka lagu aamini Karin. “Qaranku shuruuc ayuu leeyahay kaa wixii aan ahayn ninka la yimaada, sharciga kama wayna ninkii doonaya qaranimada Somaliland ee umaddu ogashahay in uu la yimado wax aan ahayn isaga ayaa cirka roob ku og. Raga sidaa yeelayaana in bari lagu aamino qaranka ayaa halis galaysa mucaaradka oo waxaan la yaabaa mucaaradka oo niman madasha la yidhaahdo oo sharci ahayn ayay sacabka la qaraacayaan, markii xisbiyadda mucaaradku itaal dareeyeen ayay doonayaan wax ay cuskadaan, waxaana la raacayaa dastuurka dalka u yaala” ayuu yidhi Bukhaara.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...