Somaliland: Askari Toogtay Taliye Ciidanka Qaranka Ka Tirsanaa

Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa toogasho ku dilay Taliyihii Ciidanka Qaranka Guutadda 93 aad laba Xidigle Baashe Cali. Askariga dilka gaystay ayaa isna ka tirsanaa guutada uu Taliyaha dhinay maamulayay oo fadhigeedu yahay jiida hore ee bariga sanaag.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo arrintan ku saabsan oo Ciidanka Qaranka ka soo baxay, hase ahaatee xogaha laga helayo ayaa sheegay in Askarigu dilka la maaganaa Lacag hayaha Guutada 93-aad oo uu u haystay in Lacago uu leeyahay laga musuqmaasuqay.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ku soo badanaya Ciidanka Qaranka Somaliland, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ay dhawr dil oo Ciidanka dhexdiisa ahi ka dhacday meelo kala duwan.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa dhawaana rrintan ku tilmaamay mid ku cusub ciidanka islamarkaana cidii ku kacda talaabo adag laga qaadi doono.

Comments

comments