Somalia: Maamulka Puntland iyo Xukumadda Somalia Oo Isku Mawqif Ka Istaagay Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia

Dawladda Muqdisho iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa markii u horreysay shaaciyey inay isku mowqif ka yihiin wadahadalka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Wefti uu hoggaaminayey Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo magaalada Garoowe ku sugnaa maalmihii u dambeeyey, ayaa wadahadallo qaatay muddo saddex maalmood ah la yeeshay masuuliyiinta sare ee maamulka Puntland, iyadoo gunaanadkii wadahadalkaasna laga soo saaray qodobbo labada dhinac isla qaateen oo uu ku jiro qodob la xidhiidha mowqifka Puntland ka qabto wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad-goboleedka Puntland waxay isku afgarteen dardar-galinta dhammaan heshiisyadii ay hore u gaadheen labada dhinac oo uu ugu danbeeyay heshiiskii ay wadagaleen labada dhinac 14kii October ee sannadkii 2014 Si arrintaas loo gaadho waxa la magacaabay guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas, waxana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

  • Shuruucda DFS soo saarto iyo samaynta guddiyadda heer qaran:

Waxaa la isku raacay in dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhismaha guddiyada madaxabannaan ee heer qaran, sida uu qabo Dastuurka Federaalka, qodobkiisa 111aad, farqaddiisa 2aad.

  • Dhismaha dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya:

Dhismaha dawladaha xubnaha ka noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa loo marayaa si waafaqsan dastuurka Federaalka Soomaaliya.

  • U-diyaar-garowga iyo qabashada madasha wadatashiga madaxda sare ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah:

Sidii lagu heshiiyey shir-madaxeedkii ka dhacay Muqdisho 6i February 2015, waxa lagu qaban doonaa kulanka madasha wada-tashiga madaxda sare magaalada Garoowe bisha April 2015, waxana la isla gartay in guddiyadii farsamo ee hore la isugu waafaqay soo dhammaystiraan taabba-galinta hawlaha madasha heer qaran.

  • Dhismaha ciidan qaran oo ummadda u dhexeeya:

Si loo dhiso ciidan qaran oo leh sumad qaran waxaa la isku afgartay in saddex kun (3000), oo askari loo qoondeeyey dawladda Puntland.

  • Doorka Puntland ee wadahadallada dawladda Federaalka iyo Somaliland:

Waxa la soo dhaweeyay sida dawladda Soomaaliya u maamulayso wadahadalka lagula jiro Somaliland iyo mowqifka ay iska taagtay wadahadalladii ugu dambeeyey.

  • Iskaashiga hay’adaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawlad-goboleedka Puntland:

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay si toos ah iskaashi iyo wadashaqayn buuxda u yeeshaan wasaaradaha labada dhinac sida:

  • Arrimaha dastuurka
  • Qaybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada
  • Iskaashiga qorshaha qaranka
  • Siyaasadda isgaadhsiinta qaranka,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeed lagu shaaciyey qodobadda heshiiska cusub ee dhexmaray maamullada Muqdisho iyo Garoowe.

Comments

comments