Italy:1,500 qof oo laga badbaadiyay Mediterranean

Date:

Ciidammada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay soo badbaadiyay tahriibayaal tiradooda lagu qiyaasay 1,500 oo qof.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in dadkaasi soogalootiga ah ay saareen shan doonyood.

Doonyahaasi ayaa qeylo dhaan u diray ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Dadka lasoo badbaadiyay aya la geeyay jasiiradaha Lampedusa iyo Sicily ee dalka Talyaaniga.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, UNHCR, ayaa sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay tahriibayaal ay tiradoodu ku dhawdahay 3,500 oo qof ay ku dhinteen badda Mediterranean, halka 200,000 oo qofna laga badbaadiyay baddaasi.

Dalka Talyaaniga ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxaa uu qaabilay 170,000 oo soogalooti ah, kuwaasi oo kasoo galay dhanka badda.

Ammaan darrida ka jirta dalka Liibiya ayaa loo aaneynayaa sare u kaca tirada dadka isku biimeynaya badda Mediterranean-ka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...