Libiya: Daacish oo ”laysay” Masiixiyiin Itoobiyaan ah

Date:

Kooxda Daacish ayaa soo saartay muuqaal muujinaya laba kooxood oo dad ah, oo kuwana qoorta laga jarayo, kuwo kalana rasaas lagu furayo, waxaana dadkaas loo aqoonsaday in ay ahayeen Itoobiyaan masiixiyiin ah oo kunoolaa dalka Libya.

Muuqaalkaas ayaa waxa lagu baahiyey internetka waxaana laga soo kala duubay labo meelood oo dalka Libya ah oo kala ah Barqah oo ku taala bariga iyo Fazzan oo ku taala koonfurta.

Muuqaalkan oo loogu magac daray ”ilaa iyo inta ay uga imaanayso cadeymo cad” ayaa waxa ka muuqday nin wajiga soo duubtay oo ku hadlaya luuqada ingiriiska, una goodinaya masiixiyiinta una sheegaya in aanay badbaadi doonin ilaa ay ka qaataan diinta islaamka ama ay dhiibaan lacagta jizyada ah ee laga qaado qofka aan muslimka ahayn.

vidiyowgan oo 29 daqiiqo iyo 11 ilbiriqsi ah ayaa waxa uu u muuqdaa in looga goleeyahay in lagu sharaxo mawqifka Daacish ee ku aadan dadka masiixiga ah.

Waxay ku doodayaan in dadka masixiyiinta ah ee kunool meelaha ay gacanta ku hayso Daacish ee ogolaaday in ay ay bixiyaan lacagta Jizyada ah in ay kunool yihiin si nabad ah, kuwii diidana ay wajahayaan dil.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...