Switzerland:Heshiis Hordhac ah oo laga gaadhay Nuclear-ka Iran

Date:

Kaddib, hal todobaad oo ay wada lahaayeen wadaxaajood is daba jooga, Iran iyo lixda wadan ee dunida ugu xooga badan, ayaa waxa ay ku heshiiyeen qaabka uu noqonayo heshiinka kama danbaysta ah ee barnaamijka nukliyeerka ee waddanka Iiraan.

Isaga oo ka hadlaya Aqalka Cad ee waddaka Mareykanka looga arimiyo, ayaa Madaxwayne Obama, waxa uu sheegay in heshiiskani uu ka dhigi doono dunida amaan hadii buu yidhi sida larajaynayo uu horseedo heshiis dhamaystiran dhamaadka bisha June ee fooda inagu soo haysa.

Madaxwayne Obama, ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay wada gaadheen waddanka Iran iyo lixda wadan ee dunida ugu awooda badan ee ku saabsan qaabka uu noqon doono heshiiska kama danbaynta ah ee banaamijka nukliyeerka ee waddanka Iran.

Wuxuuna sheegay in arintaas shaqo badan lagaliyay taasi oo maanta midho dhashay.

Federica Mogherini, oo ah dumlamaasiyayad sare oo ka tirsan ururka Midowga Yurub, ayaa akhriday hadalka wadajirka ah ee ay soo saareen, oo qeexayay qodobada ugu doorka roon heshiiska, kuwaas oo ay ku jiraan, in la yareeyo aaladaha nukliyeerka loo isticmaalo ee Centrifuges ee waddanka Iran.

In isbadal lagu sameeyo meelaha loo isticmaalo farsameynta nukliyeerka Iran iyo laga laga qaado cunaqabataynta wadankaasi hadii talaabooyinkaasi la xaqiijiyo.

Heshiiskani waa isfahan aan qornayn, waana heshiis aan caadi ahayn wuxuuna aas aas u yahay wadaxaajood aad udag oo arinta lagu balbalaadhinayo.

Laakiin dadka ka soo shaqeeyay waxay u dabaal dagayaan arin adag oo ay ku guulaysteen suurtagalna ka dhigaysa in ay gaadheen arin taariikhi ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...