War Deg Deg:- Xaalad Kale Oo Kasoo Cusboonaatay Gobolka Sanaag,Meherado Ganacsi Oo Ku Yaala Degmada Gar Aadag Oo La Boobay Iyo Beero La Gubay

Date:

Wararka naga soo gaadhaya degmada Gar-adag ee gobolka sanaag ayaa sheegaya in Meherado ganacsi   oo ku yaal gudaha magaalada Gar-adag  ee gobolka sanaag in la boobay hantidii hoos tiilay,sidoo  kalena la gubay beero ku yaal duleedka magaaladaas.

Wararku  waxay intaas ku darayaan in  goobaha la boobay iyo  beeraha la gubay ay leeyihiin  mid ka mida labadii beelood ee dhowaan colladu ku dhex maray deegaanada degmada Ceel-afwayn.

qaar ka mida Odayaasha degaankaas oo ka xumaaday talaabadan ayaa la sheegay  inay xidheen ilaa labaataneeyo qof oo la sheegay inay arintan lug ku lahaayeen ,balse  wararka  ka imanayaa degaankaas waxay  tibaaxayaan in xataa dadkii meheradahooda ganacsi la boobay  la xidhay.

ma jirto  ilaa hada masuuliyiin dawladeed oocka hadashay arintan foosha xun leh ee ka dhacdey degmada gar-adag, waxayna ku soo beegmaysaa wakhti  uu magaalada Celefweyn ku sugan yahay Wasiiru dawlaha arimaha gudaha Somaliland,kaasoo la sheegay inuu ku mashaquulsan yahay arimo kale,uuna ka mashquulay heshiisiinta labada beelood ee colaadu ka dhex aloosan tahay.

dadka ku dhaqan degaamadaas ayaa walaac xoogan ka bixiyay inay arimahan  sii hurin doonaan colalada ka taagan degaankaas ee xukuumadu xalkeeda ka war -wareegayso.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...