Xukumadda Oo Jabisay Heshiis Dhawaan La Saxeexay

Date:

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inuu Komiishanka doorashooyinka u gudbinayo Dacwad ka dhan ah Musharraxiin uu sheegay in Hantida Dawladda loogu ololaynayo.

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo hadal ka jeediyey xidhitaankii shirka Golaha dhexe ee WADDANI, ayaa sheegay in saddexda Xisbi Qaran iyo Komiishanku kala saxeexdeen Xeerka Anshaxa oo dhigaya inaan Hantida Dawladda Cidna loogu ololayn, laakiin hadda ay soo baxayaan in Riigaggii Biyaha ee Gobolka Sool yo biyo Taakulo ah oo Dawladdu Dad u geysay laga dhigayo Taakulo Musharrax ugu deeqay Dadweynaha, taasina khalad tahay, sidaasi darteed ay Dacwad arrintaa lid ku ah u gudbinayaan Komiishanka.

Xildhibaan Jirde oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu saxeexday Xeerka Anshaxa, ta ugu weyn ee ku jirtaa waxa weeyaan inaan Hantida Dawladda lagu ololayn, inaan Nin Musharrax ah loogu ololayn Hantida Dawladda, imikana warar baa ka soo baxaya Laascaanood, in Riigaggii biyaha iyo Taakuladii biyaha ahayd ee loo geeyay la leeyahay Musharrax baa idiin keenay, taasina waa khalad, waanuna gaadhsiinaynaa Komiishanka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Xisbiga WADDANI uu galayo doorashada oo uu ugu yeedhay inay tahay jihaad uu Dalka ku bedbaadinayo “Dagaalkii imika ayuu inoo bilaabmay, waa Jihaad aynu Talada Dalka ku bedbaadinayno oo aynaan Cidna ku dulmiyeyn..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...