Somaliland:“Madaxweynuhu Wuxuu ku Dedaalay inaanay Ciyaartoygeennu Ciid dambe ku Ciyaarin”

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ayaa sheegtay in maalmaha fooda innagu soo haya bilaabayso qorshe ay doog ku dhigayaan garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradaasi Mr. Maxamed Xuseen Axmed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarrada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Axmed Dhabeeye, ayaa sheegay in toddobaadkan gudihiisa ay bilaabayaan roogii la dhigayay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.

“Sannadkan 2015 waxaanu qorshaynaynaa in aanu dhamayno dhigista rooga ciyaaraha garoonka Hargeysa Stadium iyo in aanu qabano ciyaarihii horyaalka heerka koowaad iyo ciyaaraha gobolada roogan la dhigayo garoonka Hargeysa marxaladdo badan ayuu soo maray, imikana gacanta ayaa lagu hayaa waxaana wadda shirkadda wadaniya iyo kuwo international ah, waxa laga shaqaynayay sidii garoonka marka hore loo simi lahaa, meel fiicana wuu marayaa oo waa la dhameeyay,”ayuu yidhi Agaasimaha Ciyaaraha oo u waramayay wargeyska DAWAN.

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray “Waxa toddobaadkan la bilaabayaa wejigii labaad oo roogii lagu ciyaarayay kubadda cagta la dhigayo garoonka Hargeysa Stadium, waxaana ay ku dhammaan doontaa muddo toban cisho ah, waxa kale oo qorshaha noogu jirta in tarabuunada la hagaajiyo oo VIP casri ah oo hagaagsan laga dhigo.”

Agaasimaha Guud waxa uu uga mahadnaqay Madaxweyne Siilaanyo oo uu tilmaamay in qaybta ugu weyn ka qaatay in kor loo qaado tayada garoonka Hargeysa Stadium, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo qaybta ugu weyn ka qaatay in dhallinyarrada Somaliland laga soo af-jaro sidii ciid dambe aanay ugu ciyaari lahayn, iyadoo loogu daray miisaaniyadda lacagtii lagu soo iibiyay rooga garoonka la dhigayo, waxaana ay ka mid tahay dedaalada xukuumaddu ugu jirto in laga bedalo garoomada ciyaaraha oo garoomo caalamiya oo heerka caalamiga ah waafaqaya.”

Agaasimaha uu tilmaamay in la xadidi doono kooxaha ku ciyaari doona garoonka Hargeysa Stadium, waxaana uu yidhi “Garoonku waxa uu noqon doonaa mid ay ku ciyaaraan kooxaha heerka koowaad, xulka qaranka Somaliland iyo ciyaaraha gobolada wixii kale ee lagu qabanayana waa la xadidi doonaa.”

Comments

comments