Yemen: Kumaankun ciidamo ah oo ka degey dekadda Cadan

Kumaankun ciidamo si xoog leh u hubeysan ayaa maanta ka degey dekadda magaalada Cadan ee dalka Yemen. Ciidamadan ayaan la sheegin dalka ay ka socdaa, waxaana ay ka yimaadeen dal kamid ah kuwa ku jira isbahaysiga uu hoggaaminaayo Sucuudiga ee dagaalka kula jira Malayshiyada Xuuthiyiinta Yemen, sidaas waxaa qortey wakaaladda wararka ee Reuters.

Warbaahinta gudaha dalka Masar ayaa shegaya in ciidamo ka socda dalka Masar oo maalmo ka hor ka baxay dalka Masar iyaga oo wata maraakiib ay ka degeen Cadan.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa maalintii shalay dib ugu laabtey magaalada Cadan haökaas oo maalmo ka hor dib looga riixay.

 

Comments

comments