Madaxweynahu Kama Been Sheegine Maamulka Majeertaniya Ayaa Been Sheegaya S/L Lama Murmi Karto Waxka Yar Somaliya W.Q Kaptanka

Date:

Maamulka majeertania oo hore looga bartay inay caalamka been cad usheegaan iyagoo si bilaa xusheeda beeno kala danbeeya looga bartay isla markaana ay sharaf u tahay inuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo hadal qaado kana hor sheego baarlamaanka inay raali galin ka bixiyeen beentoodii hore arintan oo Jamhuuriyada Somaliland hoos u dhac ku ah sababtoo ah maaha Jamhuuriyada Somaliland inay kaba hadasho Puntland waa inay waxii kusaabsan garoowe ay kala hadlaan Somaliya oo ay ka midyihiin wayo aduunka lama arag qaran dhan oo la murma maamul gobaleed katirsan dowlad.

Hadalka beeninta ah ee maamulka Majeertania kasoo yeedhayna waxa uu cadaynayaa sida ay u rabaan inay Jamhuuriyadda Somaliland

la muranto waxbana kama duwana beentoodii hore looga bartay ee ay sheegeen in Jamhuuriyadda Somaliland argagaxiso tahay iyadoo caalamku ogyahay meesha budhcad badeeda iyo argagaxisada hodanka ku ahi inay tahay maamulka Majeertania wax dadka ka qarsoona maaha.
Waxay ahayd markii ay lasoo xidhiidheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ahmed M.M. Siilaanyo ee ay raali galinta bixinayeen in shuruud looga dhigo inay Media kabixiyaan raali galinta daciifka ah ama ay Somalia raali galin ka bixiso waayo hadhaw ayay ka been sheegayaan sidan maanta dhacday oo kale iyagoo doonaya ay fadeexad uga dhigaan madaxweynaha J.Somaliland iyo qaranka oo dhan waxaan ku kalsooonay madaxweynaha qarankeena beena kama suurawdo. Xataa in J. Somaliland u jawaabto ma istaahilaan.

 

Allaa Mahad leh
Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka)
Realcabdiqani@gmail.com

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...