Barkhad Jaamac Xirsi, oo hore u ahaa la taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Beelaha la hayb sooco, balse xilkaasi iska casilay dhawaan kuna Biiray Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in Xalay Niman ku soo weerareen Suuqa Hargeysa.
Waxa uu sheegay in Nimankaasi oo ku hubaysan Budad ay isku dayeen inay waxyeelo u gaystaan balse uu kaga badbaaday Saldhigga New Hargeysa oo uu ka galay, iyagoo gaadhigiisa dhib aan badnayn u gaystay.
Mr Barkhad ayaa farriin uu boggiisa Facebook soo dhigay waxa uu ku yidhi “Alhamdulilah, waxaan ka badbaaday rag i soo weeraray oo rabay iney waxyeelo ii geystaan iyagoo ilaa caawa gaadhigeyga daba socday wateyna gaadhi yar oo nooca loo yaqaano crown ka ah. waxay aakhirkii ku hor jareen gaadhigeyga kii ay wateen anigoo marayay telesom horteeda balse uma suuroobin iney wax igu dhuftaan waxayse waxyeelo kooban gaadhsiiyeen gaadhigeygii markii ay soo degeen iyadoo wata budhadh waxaanan kaga baxsaday gaadhigii aan watey iyadoo aan galay Saldhiga New hargeisa dacwaddoodiina aan ku qoray buuga dacwadaha taliyaha saldhigana aan u sharaxay wixii dhacay cida soo dirteyna waan garanayaa ee nin waxaasi wax ka qaadan ma yihi dawacdoodina saldhigaan dhigay. Gobey liico ha jabin”.
Arrintan ayaa imaysa iyadoo Shalay qayb ka mid ah Bulshada Gabooye taageero u muujisay Kulmiye, halka qayb kalena ku muddaharaaday sheegeena inaanay dadkaasi metelin Bulshada Gabooye balse Xukumaddu soo Urursatay.
Somaliland:Siyaasi Hore Iskaga Casilay Xukumadda Siilaanyo Oo Sheegay Inuu Ka Badbaaday Niman Soo Weeraray
Date: