DEGDEG: liiska Wasiiradda Iscasilaya 24Sacadood Ee So Socda!

Date:

madaxweyne siilaanyo ayaa maraya xaaladii ugu adkayd ee soo marta intuu talada dalka hayo, waxaa laga yaabaa in bishan gudeheeda ay seegaan baarqabyadii uu ku baani jiray,,, xirsi cali xaaji xasan oo galabta dalka ku soo noqonaya ayaa laga yaabaa inuu madaxweynaha u dhiibo go’aankii ugu adkaa ee siilaanyo uu arko waa istiqaalad uu ku doonayo inuu shaqada kaga tago,,,,,, wasiir samaale ayaa qarka u saaran inay madaxweynaha isi seegaan,,,,,halka wasiir abiib timacad maanta ku dhawaaqay is casilaadiisii,,,,,, cabdi awdaahir oo kamida wasiirada ugu mudada dheeraa xukuumadan ayaa isna seegi doona golaha wasiirada…..cali siciid reygal ayaa isna xubinimadiisii golaha wasiirada ku waayi doona nin ay isku hayb yihiin oo ku soo biiraya golaha wasiirada bishan gudeheeda,,, 

hadaba waa kuwee xubnaha ugu cul culus ee ku soo biiraya golaha wasiirada somaliland waqti xaadirkan….
cabdilaahi maxamed ducaale dhoolayare oo ka mid ahaa wasiirada taariikhda somaliland ku suntan ilaa dowladii cigaal dhorena u ahaa wasiirkii arimaha dibada xukuumada riyaale ayaa la filayaa waqtigan inuu saaxada golaha wasiirada soo fuulo wuxuuna bedeli doonaa wasiir reygal lkn wuxuu qaban doonaa wasaarad kale…..
maxamed nuur caraale duur, ayaa habeenimadii xakay ahayd ka soo dhex muuqday madaxtooyada somaliland waa maalin kedib markii la baahiyay barnaamij uu xukuumada ku dhaliilayo oo uu telefishanka HCTV ka sii daayay, hase yeeshee madaxtooyada oon xalay laga seexan ayay qaadatay saacad waqti ka abdan in ay madaxweynaha is or fadhiyaan waa sababta keentay in xan lagu helo in duur uu bedel unoqdo wasiir cabdi awdaahir lkn wararbaa sheegaya inuu madaxweynaha hordhigay shuruudo ay ka mid yihiin in dib loogu celiyow asaaradii laga qaaday ee arimaha gudaha………. siyaasi qabo oo ka soo jeeda beesha axmed dhax isku shaandhayntii u danbaysayna laga dhigay la taliyaha madaxweynaha ayaa hada la sheegay inuu golaha wasiirada ku soo biirayo waxaana uu ka mid yahay qorshe xukuumadu ku doonayso codka beesha axmed dhagax….. cabdilaahi ciro oo ahaa wasiirkii arimaha gudaha somaliland soo mara kii ugu adkaa ayaa isna saxeexay inuu bishan ku biiro golaha wasiirada waxaana uu bedeli doonaa wasiirkii is casilay ee abiib timacad oo la sheegay inuu ka war helay in la bedelayo…..
cali mareexaan ayaa isaguna diyaar u ah inuu bedelo wasiir xirsi waa hadii wasiir xirsi ku adkaysto inuu is casilo, xubno ka mida saaxiibada wasiir xirsi ayaa maanta madaarka kaga hor tegi doona si ay ugu qanciyaan xirsi inuu golaha wasiirada ka sii mid ahaado,
dadka yaqaana madaxweynaha ayaa sheega inuu yahay nin macangaga oo qofka ay isku dhacaan ay si toosa u kala tagaan hase yeeshee labada waiir ee qoodha ah waa samaale iyo xirsi ayaa ku noqonaysa boog aanu ka soo kaban inkasta oo uu soo safayo rag sumcad ku leh dalka hase yeeshe waqti ayay qaadanaysaa in wasiirada cusubi la qabsadaan xukuumada

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...