“Reer Somaliland waxa aan ku niyad samaysiinayaa in aanay wax werwer ah ka qabin maamulka hawadooda”

Date:

This slideshow requires JavaScript.

Wasiirka Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka mid ahaa xubnihii Somaliland ugu qayb gali lahaa wadahadaladii fashilmay ee Turkiga ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kana hadlay arrimo muhiin ah.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inay aany suuro gal ahayn in hawahalada alayska sii wado iyada oo ay Soomaaliya diidan tahay in la dhaqan galiyo qodobkii hore looga heshiiyey ee maamulka hawadda, wasiir Xaashi ayaa waxa uu arrimahaasi kaga hadlay fariin uu soo dhigay Bartiisa Face-book waxa uu ku yidhi sidan:-

“EEBBE mahadii galabta ayaanu ku soo guryo noqonay gayigeenii hooyo, ka dib markii aanu u tagnay dalka Turkiga inaanu kaga qayb galno shirkii wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan aniga oo aan ka mid ahayn xubnihii guddidaas ee wadahalada hase yeeshee aniga iyo xubno ila socday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka hawlaha guud Mudane Cabdirisaaq Khaliif iyo khuburo kale, in arrimaha hawada si farsamo ah loo galo iyagana dhinacooda ay ka yimaadaan. Shirkii aniga iyo masuuliyiin kale aanu u tagnay wuxuu noqday mid madhalays ah, markii uu hana qaadi kari waayey ee uu qabsoomi kari waayey shirkii guud ee aas-aaska u ahaa ama uu ka farcamayey shirka arrinta maamulka hawada, shirkaas oo ay cadahay ujeedeeoyinka laysku khilaafay Gudoomiyaha waftiguna uu si fiican u faahfaahiyey, anigana aan sharax iiga baahnayeyn, arrinta hawada iyo kulamadii na dhex maray Hay’ada ICAO iyaga ku noqon maayo oo waxaan filayaa in aanu warbaahinta si fiican ugu soo gudbinay, shacbiga Somaliland ay maanta ka dharagsan yihiin, waxa aan runtii ku niyad samaysiinayaa in aanay wax werwer ah ka qabin masiirka iyo mustaqbalka maamulka hawadooda.

Waxaan halkan anigoo munaasibadan ugu faa’iidaysanaya si weyn aan ugu mahad celinayaa shacbi weynaha reer Somaliland madaxda golayaasha, Xildhibaanada, Salaadiinta iyo Bulsho weynta si weyn noogu soo dhaweeyey Madaarka caalamiga ah ee Cigaal iyo guud ahaan caasimada Hargeysa wadooyinkeedana buuxiyey taasi waxay markhaati ka tahay sida shacbigani uu u ilaashanayo mastaqbalkiisa, Qaranimadiisa iyo Qoomiyadiisa. ciyaar laguma keenin qaranimada waxa loo soo maray kifaax iyo halgan dheer maanta waa mid guun ah, oo aan maanta ahayn mid la gardaadinayo, baalkna ka jartay dhawr iyo labaatan sanadood, oo ilmihii ku dhashay aanu maanta aqoon wax aan Somaliland ahayn, Qaraimadaas maanta aan anigu raga Ceelalyadeeda ku jira ka mid ahay, ee wadahadaladeeda iyo baadi doonkeeda aanu wadno, aniga oo maanta Konton jir ah waxaan ku garaad-saday oo aan soo gaadhay xili dhawr iyo sideetanadii xili uu socodo dil, dhac, cunfi iyo wixii shacbiga reer Somaliland ku dhacay, intaas ay Somaliland jiray ayaan Qaranimo ka arkay aniga oo maanta ninkaas weyn ee gaboobay ah, waxay ay markaas taasi muujinaysaa inta iga yar oo dhami waxay ka garan karaan Soomaali weyn in aanay jirin, iyo in la kala baaday.

Dhinaca kale waxay Ragii naga waaweynaa ka sheekeeyeen in midnimadii fashilantay ee Dhawr iyo Lixdankii in Umadda reer Somaliland ay aftidii Dastuurka diiday, waxa kale oo iyaduna meesha taala oo markhaati ma doon ah in dawladnimada ay walaaladayo Soomaaliya dhisteen ma nihin dad fadaraalkaas kula jira. waayo anagu ma nihin dadkii saxeexay Road map-kii dawladaas lagu dhisay, ee wax la qabsaday, Al muslimuuna calaa shuruudihim, mawaaqiftaasna anagu qayb kama nihin. Markaas anagu waxaanu nahay dal madax banaan, oo jira sharciyan Somaliland waa xaqiiqo jirta nin neceb iyo nin jecelba waa mid aan indhaha laga qarsan karin, sidaas darteed hadii ay tahay badeeda iyo hadii ay tahay cirkeeda iyo hadii ay tahay badkeeda mid walba waa mid aanay cidna ugu tanaasulaynin, ma aha nacayb aanu walaaladadyo u qabno , ma aha xumaan aanu walaaladayo u ogol nahay, Soomaalinimada ayaanu ogol nahay, Umadda Soomaaliyeeda waa Qoomiyad ee Qaran ma aha maanta!, Qoomiyad Soomaaliyeed oo balaadhan ayaanu ogol nahay waxay baxdo, oo kuwa Kiiniya degan, kuwa Jabuuti degan, kuwa Itoobiya degan ay ka mid yihiin, qoomiyadda Soomaaliyeedna in kor loo qaado, wanaagna la dhex dhigo ayaanu aaamina sanahay, waxaanu nahay dad Qaangaadh ah, bisil aragdhi dheer leh, waxaas oo dhan ayaanu jecelahay, walaaladayana waanu leenahay, waa inay ku xisaab tamaan miisanka wadahadalada si sax ah, iyo sidii aanu isku fahanay oo hore ay ugu soo noqdaan, calooshooda iyo niyadoodana ay u sii daayaan Somaliland waxa ay tahay.

walaaladayo waxaanu isku haysanayaa oo aanu isla dhaafi kari aynay oo murankeedu taagan yahay maamul hawo, hadii Soomaaliyi Maamul hawo ku heshiin wayday qarankii burburay hawadiisii oo maanta laba dal ah, hadii lagu heshiin waayey waxa is waydiintu tahay maxaa lagu heshiin karaa?? Waxaan leeyahay walaaladayo hadii ay noo quudhi waayeen heshiiskiii aanu shalay wada galnay inay fuliyaan oo ay ixtimaaraan, oo ay diideen in guddida madaxa abaan ay hawada Hargeysa ka maamulaan , oo FIR-ka (Flight Information Region) halkan la dhigo, waxa is weydiin mudan ninka intaad diiday waxa uu noogu yeedhayo, iyo Soomaalinimada waxa uu ku rabo, taasina waxay runtii quus goyn u tahay kuwa ka soo jeeda Isir ahaan Somaliland ee tirada yare ee maanta ku ag warwareegaya Fadaralka iyo waxaas.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...