udoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay dilkii loo gaystay taliyihii ciidamada booliska gobolka saaxil gaashaanle Casayr oo ay dabley hubaysani ku dileen tuulada biyooley ee duleedka magaalada berbera.
Waxaana uu gudoomiye Baashe xukumadda ugu baaqay inay si dag dag ah usoo qabtaan dadkii weerarkaasi gaystay isagoona sidoo kale sheegay inay aad uga xun yihiin dilkaa loo gaystay taliyaha waxana uu yidhi.
“Marka hore waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qarabaadi uu ka baxay marxuun taliye Casayr,geeriduna waa xaq waa lawada dhimanayaa Samir iyo imaan alla haynaga siiyo geesi inaga wada baxuu ahaaaye, waxaa loo baahay in la dul qaato, aadbaan uga xunahay dilkaasi dhacay”Baashe Maxamed Faarax
Gudoomiye ku xigeenku isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray
“Xukuumada iyo reerkii ay ka dhaseenba waxaan leenahay nimankii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee dilkaa gaystay waa inay soo qabtaan oo meel kaste oo ay joogaan loogu tago oo la keeno, waliba ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa, reerkii uu taliyuhu ka dhintayna waxaan leeyahay taliyuhu reer kama dhimane qaran ayuu ka dhintay oo isagoo shaqqo qaran gacanta ku haya ayuu dhintay markaa haku samraan”Sidaas ayuu yidhi gudoomiye Baashe Maxamed Faarax.
Sidoo kalena gudoomiye Baashe Maxamed Faarax waxa uu ugu baaqay bulshada reer somaliland inay ilaaliyaan amniga iyo xasiloonida dalka isaga oona ugu baaqay inay ka waantoobaan wax kaste oo dalka khalkhal galinaya waxaana uu yidhi.
“Dalkeenu maanta 25 sanno ayuu jiraa xiligii madaxbaanidisa lasoo noqday kadib, maantana inaynu qabaa’il iyo reero ku noqdo maaha oo arinka in la qabyaaladeeyo maaha , hadii sidaa lagu sii socdana dhibaataa imaan doonta oo ninkii la dilaba in loo nisbeeyo qabiil ayay noqonaysaa, waa in arinka la dajiyo oo waan waan lagu soo dabaalo, waxaan usoo jeedinayaa shacabka reer somaliland inay markaste ilaashadaan nabadgaliyadooda ayna ka hor tagaan wax kaste oo dalka khalkhal galinaya waa inaynu nabadgaliyadeena ilaashanaa oo aan adkaynaa”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomiye Baashe Maxamed Faarax.
Si kasteba ha ahatee xaalada guud ee magaalada berbera ayaa hada ah mid dagan.