“Annagu Diyaar Uma Nihin In Niman Somaliland Ka Tegay Oo Xamar Tegay Ay shirka Soo Fadhiistaan” Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Date:

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo hogaaminaya Weftiga Somaliland uga qayb galaya,ayaa sheegay inaan Weftiga Somaliland marnaba Ogolaan doonin inay Miiska wada xaajoodka soo fadhiistaan Xubno Somaliland ka soo jeeda oo ka socda dhanka Somalia iyo warqad uu sheegay in Somalia u soo qortay oo Af xumo badan xambaarsan.

“Dawladda Turkiga iyo Iyagaba(Somalia) waanu u sheegnay in Shirkan dhici doonaa yahay Shir Somaliland iyo Somalia ah oo labada waddan is hor fadhiisanayaan, Somaliland-na aanay marnaba Ogolaanayn in Niman Somaliland u dhashay inay shirka soo fadhiistaan.Markaa waxaanu filaynaa inuu noqdo Shir lagaga wada hadlo waxyaabihii faraha badnaa ee ay fulin waayeen ee ay ka baxeen lagaga wada hadlo” ayuu yidhi Wasiirka Oo BBC-da la hadlay.

Wasiirku waxa uu sii sababeeyay diidmada Somaliland ee Xubno reer Somaliland ah oo Soomaaliweyn u shaqo tagay “Annagu diyaar uma nihin mana Ogolaanayno oo sharciyan, annagu dad Somaliland ka soo jeeda oo Xamar tagay lama fadhiisanayno, Somaliland xuduud cayiman ayay leedahay oo ah dhulkii Ingiriisku haysan jiray, markaa wixii dhulkaas u dhashay ee reer Somaliland ah annagu shirkan la fadhiisan mayno, waxaanu la fadhiisanaynaa dadka ah Dhulkii Talyaanigu haysan jiray ee Somalia la yidhaa haddana aanu doonayno inaanu laba Waddan oo kala gaara oo kala ambabaxa u wada hadalno” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay in Arrimaha Masiiriga ah ee ajanduhu ahaa arrimo ka horeeya laga wada hadlayo “Arrimaha Masiiriga ah horena miiska way u saarnayd haddana way saaran tahay laakiin, arrimaha ka horeeya ee aanu Xallinayno waxaa ka mid ah awal hore wuxuu Turkigu iskugu kaayo yeedhaa laba wadan oo kala gaar ah oo siman oo labaaas wadan wada hadlaan, wixii hore loogu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in wixii Af Xumo ah la iska ilaaliyo laakiin, af xumooyin faro badan ayaa warqad ay soo qoreen ku jirtay arrimahaas baanuna ka wada hadlaynaa”

Wasiirka ayaa iftiimiyay in arrimihii Jabuuti ay ku kala saxeexdeen Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia ee ahaa in shirkan lagaga hadlo Arrimaha Masiiriga ah ay soo daba mareen qodobadii hore loogu heshiiyay oo aan hir galin in haddana laga sii wada hadlo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...