Arsenal Oo Da’ Yar Kale Soo Xerogelineysa Xilli Krystian Bielik Uu Haatan Tijaabada Caafimaadka U Marayo.

Arsene Wenger ayaa sii wada inuu soo uruuriyo da’ yarta ugu fiican Yurub.

15 jirka weerarka ka dheela ee kooxda Viktoria Plzen Martin Graiciar ayaa ku shaaciyay bogiisa Facebook inuu ku sii jeedo London oo uu tijaabada caafimaadka marayo.

Gunners ayaana lagu waramayaa inay saxiixiisa ku garaaceen kooxda Real Madrid oo iyadana dooneysay da’ yarkaan.

Tababaraha Arsenal ayaana shirkiisa jaraa’id ee maanta ku xaqiijiyay inay kooxda Legia Warsaw kala heshiiyeen saxiixa 17 jirka khadka dhexe Krystian Bielik, iyadoo lagu waramayo inay ku heshiiyeen 2.4 milyan ginni.

Waxaana uu tijaabada caafimaadka u marayaa maanta.

maxresdefault

Comments

comments