Cazorla Oo Ka Dulqaaday Sanchez Laacibka Bisha Ee Arsenal

Cazorla

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Santi Cazorla ayaa ku guulaystay laacibkii bishii December ee Arsenal.

Cazorla ayaa ka dul qaaday abaalmarin taan laacibka ree Chile ee Alexis Sanchez kaas oo ku guulaysanayay abaal marintaan 3-dii bilood ee lasoo dhaafay.

Santi Cazorla ayaa helay 52.8 % codadka taageerayaasha Arsenal halka Sanchez oo ku jira booska 2-aad uu helay 34.4%, Giroud ayaa soo ciriirsaday booska 3-aad wuxuuna helay 3.7%.

30 jirkaan xulka Spain ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ahaa bishii December ee 2014 taas ayaana keentay inuu Sanchez ka dul qaado abaal marintaan.

Source: :Laacib.net

Comments

comments