Nin bambaano ku tuuray xafiiska Madaxweyne Erdogan

Booliiska magaalada Istanbul ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan oo habeenimadii khamiista bambaano ku tuuray xafiiska Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Ninkan ayaa labo bambaano oo nooca gacanta ah ku tuuray xafiiska ku yaal Qasriga Dolmabahce ee ku yaal bartamaha magaalada Istanbul.

Bambaanooyinkan oo qarxi waayey ayey meesha ka qaadeen ciidamada Booliiska, waxaana la sheegay in ninka weerarkan geystay uu sidoo kale rasaas ku tuuray xafiiska.

Taliyaha Booliiska ee magaalada Istanbul Salim Altinok ayaa sheegay in ninka la qabtay uu sitay bistoolad iyo waliba qori.

Source: Horseed Media

Comments

comments