Ilaa labo qof oo shacab ah ayaa ku geeryooday ka dib markii rasaas lagu furay shacab ku banaan baxayey magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaa sidookale dhaawac uu soo gaaray dad intaa ka badan.
ADVERTISEMENTS
Shacabka magaalada Guriceel ayaa subaxnimadii hore ee saaka isku soo baxa iskugu yimid iyagoo ku muujinayey taageero Ururka Ahlusuna Waljameeca waxayna kaga hor yimaadeen dhismaha maamulka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.
Dadka banaan baxayey ayaa ku wareegay gudaha magaalada iyagoo tagay goobo ka mid xarumaha dowladda oo sababtay in ciidamada dowladda ee Guriceel ku sugan isku dayeen in ay ka diraan mudaaharaadayaasha.
Goobjooge ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Dowladda ay rasaas ku fureen dadka shacabkaa iyagoo xabada kor iradaya taa oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaara shacabkii banaan baxayey.
Source: Horseed Media.