“Anniga iyo Muuse Nakala Meermeeriya…Walaahi waa Iga Dardaaran” Faysal Cali Waraabe

Date:

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markale ku baaqay in xoriyadoodi loo soo celiyo musharixiin ka sharaxan Xisbiga Ucid, oo isku beel ka soo wada jeeda Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan xabsiga loo taxaabay, waxaanu xusay in musharxiinta xidhan midkood sito Passport ka dalka UK isagoo sheegay in safiirka Ingiriisku dalka u iman doono arrintaasi.

“waxaan leeyahay is urursada u taga Madaxweyne Muuse ha inagu ceebaynina labbadda innan mid waa Biritish waa ingriis maantu imanayaa safriirkii isga ka wakiilka ahaa,ha inaga xumaynina siyaasadda kow iyo toban caaqil baa u saxeexay innankaasi, waxaana laygu yidhi Raage aabihii Axmed Yuusuf Muuse ku dhaaran jiray wuxuu odhan jiray (waa taan Muusa Waayaa) horta abaal daradaas baa dhacaday ”

Geesta Kale Guddomiye Faysal ayaa sheegay in Madaxweynaha wax badan oo sharci darro ah uga tanaasuleen doorashadda awadeed balse hadda aysan ka aqbalayn inuu soo fara galiyo musharixiinta ka tirsan Xisbigiisa “anniga waxaan is lahaa Muuse kala danbi la`aada dee imka nakala meermeeriya walaalayaal, walaahi waa iga dardaaran Abtiaal nakala meermeeriya intaa shibtaan iska galay wakaa waddankii wax walba u sii daynay, wakaa shalay Komishanka Agaasimihiisi badalay oo aanu xaq u laheyn, waan iska aamusnay wanaaga Riyo Raac ogolaanay oo waan iska aamusnay, dee hadana hadii uu u guriga iigu soo galo oo xisbigayga iigu soo galo dee waan iska celinaynaa ee hadhow ha odhanina Faysaloow ha u jawaabin”.

SAYRUUQ NEWS

HARGEISA SOMALILAND

sayruuqnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...