Mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee (SDF) Oo Aad Looga Dayriyay Hanaanka Sinaansho Ee Shaqaalaha Loogu Qaato Iyo Dirawaliin Ka Cawday Shaqaalihii Ugu Horeeray Oo Reer Qudha Laga wada Dhigay

Masuuliyiinta Mashruuca Maalgalinta ah ee Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) ayaa loogu soo jeedinayaa dhaliilo ku waajahan qaabka ay shaqaalaha u qaataan iyagoo 20-kii dirawal ee ugu horeeyay ee ay soo xayaysiiyaan ka qaatay sida la sheegay rag ay hayb wadaagaan Masuuliyiinta Mashruucan maamula,iyadoo sidoo kalena la sheegay in shaqaale badan oo kalena ay sidaasi si la mid ah u qaateen loona arko inaanu mashruucaasi ahayn mid loo siman yahay ee uu yaha mid cid gaar ahi ku qadhaabanayso,loona badinayo inay hogaanka u hayaan rag ka soo jeeda Galbeedka Burco.

sdflogo

 

Shaqaale badan oo khabiiro ah oo aad uga cadhooday hanaanka shaqaalihii u horeeyay iyo kuwan imika cusuba loo qaatay ayaa nagu soo booqday Xafiiska Wargeyska Foore ee Hargeysa kuwaasi aad uga dayriyay sida loo dhalan gadiyay Mashruucaasi ee looga dhigay mid cid gaar ahi leedahay oo ay ku maxaafsanayso. Cabdi Axmed Ibraahim oo ka mid shaqaalahan na soo booqday oo ah masuul inbadan ka soo shaqaynayay Hay’addaha Caalamiga islamarkaana u hadlay masuuliyiinta Hay’addan ka cabanayay ayaa sheegay in isaga iyo rag badan oo door ahi ay SDF xafiiskeeda Hargeysa geeyeen codsi shaqaalenimo oo ay soo xaysiiyeen,waxa uu sheegay in lagala dhex baxay oo keliya intii imtixaanka Gashay raggii ay isku haybta ahaayeen masuuliyiinta mashruucan gacanta ku haya oo ka soo jeeda Galbeedka Burco,waxa uu Cabdi Axmed ugu baaqay Shacabka Somaliland iyo Xukuumada in SDF aanay umada dhex u hayn islamarkaana si weyn looga dharagsan yahay ilaa shaqaalaha xaaqaa ay meel ka soo wada jeedaan,islamarkaana waxa uu ka digay inaan dadka lagu soo lugayn oo aan been la soo xayaysiin.
Mid ka mid ah dadkan ka cawday SDF oo Magaciisa ku sheegay Maxamuud Cali Daahir ayaa sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalihii Codsaday dirawalnimo ay soo xayaysiisay Hay’adda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF,Waxa uu sheegay in labaatan dirawal oo ay qaateen masuuliyiinta Mashruucan horjooga ka ahi ay isku hayb ahaayeen masuuliyiinta ugu saraysa islamarkaana ay cadahay in goobtaasi u xidhan tahay cid gaar ah oo aan loo baahnayn in cid kale ku soo saqanjaanto,waxa uu ugu baaqay cid kasta oo danaynaysa inay Shaqaale ka noqoto SDF inay marka hore la hayb noqoto masuuliyiinta kootada loogu xidhay mashruucan islamarkaana ay bilaa shuruud ku galaan imtixaanka. Dawlada Somaliland ayaa mudo dheer xayaysiinaysay Mashruucan balse waxa laga dayrinayaa masuuliyiinta ugu saraysa oo loo madax banaaneeyay islamarkaa hab reernimo kaga faa’iidaysanaya kaasi oo dhaawici karo mashruucan oo bulshada Somaliland markii la shaaciyay ay aad u soo dhaweeyeen islamarkaana la raajicinayay in mashruucan meesha ka saaro tuugo badan oo suuqa madaw ku cuni jirtay samafal been abuur ah inay ka fuliyeen Somaliland.
Xigasho Foorenews Paper.

Comments

comments