Akhri “Saxaraha Liibiya Waxaa Daadsanaa Raqda Ubadkeenii, Waxaana Hortayda Hadh Cad La Igu Hor Dilay Ilaa Saddex Wiil Oo Burco, Hargeysa Iyo Berbera Ka Soo Jeeday”. Gabadh Reer Burco Ah Oo Tahriibtay Oo Ka Warantay Qiso La Yaableh.

Date:

“shan iyo toban gaadhi oo Reer Somaliland Ah Ayaanu Mar Kuwada Kulanay Magafaha Liibiya Markiiba Shan Inamood oo yar yar ayaa lagala soo dagay gadhigii oo hortayda ayaa lagu gogooyay oo Rasaas Qudha Laga Jaray”.

Hargeysa(Wargane) – Gadh reer Somaliland ah oo Magaceeda Ku sheegtay Nasra Jaamac Caydiid oo Burco ka tahriibtay ayaa ka sheekaynaysa dhibta ay ka mudatay Tahriib ay ku martay Itoobiya,Sudaan,Liibiya iyo wadamo kale oo ay cagta sii marisay,waxa ay sheegtay inay Burco ku haysatay Caruur agoon ah waxana ay sheegtay inay nolol xun oo soo daristay ay ku kaliftay inay Tahriib gasho oo ay bal soo aragto nolosha taala Qurbaha,waxa ay sheegtay in intii ay saxaaradaha Liibiya sii dhex socdeen ay sii daawanayeen Lafaha wiilasha iyo gabdhaha daadsan iyo kuwa qolfoofkoodu sii qoyanaa oo ay dhuuqayeen haadu,waxa ay ugu baaqday Gabdhaha Soomaaliyeed iyo wiilashaba inaanay naftooda soo halaagin oo ay ka taxadiraan dhibta daadsab Itoobiya ilaa Liibiya oo ay baduna u dambayso.

Nasra Jaamac Caydiid oo qisadan uga sheekaysay warbaahinta la iska arko ee Soomaalida todobaadkan ayaa waxa ay hadalkeeda ku bilawday sidan “ waxaan ka soo tahriibay Somaliland Gaar ahaan Gobolka Togdheer ee Burco, Malta ilaa Somaliland waxaan soo kala socday todoba bilood dhibaatada ikeentay waxaan ka imid Nayroobi oo inan yar oo iga gubatay ayaan kaxeeyay oo dhakhtar ayaan geeyay,Nayroobi markii aan ka imid ayaa waxa la igu yidhi dumarkii aad jaarka ahaydeen waa kuwaa kabaxay, waa kuwaa caruur tooda gaynaya Itoobiya oo looga yeedhay iyaguna waxay galeen yurub, ana caruur agoon ah ayaan haystay, waxaan is idhi maanta inta aad yar tahay ka faa’iideyso oo iska tag yurubtaa maanta sida dhibta yar lagu tagayo”.
Iyadoo Nasra dhibtan ka sii sheekaynaysa ayaa waxa ay intaa ku dartay “ way noqon wayday sidii fududayd hadaan moodayo in ay igu dhacayaan dhibatooyin kaasi maan ka imadeen wadan kaygii hooyo oo umaan soo baxeen dhibatada igu dhacday waxa weeyaan itoobiya ilaa Sudaan waxaanu ahayn toban iyo sadex hablood, afar hoblood hortayda ayaa lagu kufsadey saddex inamoodna mid waa lajabiyay oo sixun ayaa loo dilay intaa kadib waxaan nimid Sudan hadana waan kasii baxnay oo waxaan tagnay halkaa iyo saxaraha waxaan ugu tagnay rag diyaar ah oo dadka kala iib sanaaya oo libiyaan ah oo layidhaa magafe markii aan nimid meel ayay nafadhiisiyeen oo waxaan ahayn shan iyo toban gaadhi oo isasoo wada gaadhay shan inan oo yaryar ayaa lagala soo dagay gadhigii oo hortayda ayaa lag gogooyay oo baas lagu mariyay”.
Waxa ay intaa ku darta Nasra “ Waxaanay wada ahaaye reer somaliland intii aan wadada kusoo jir nayna waxaan arkaayay lafo dadeed oo daadsan wadada dhinaceeda wadanka lamarayaana waa dhul argagixiso ah oo waxaan maraynay buur iyo ciid badan oo kula hadhaysa waxa halkaa daadsan mayd iyo dhaacaw waad argaga xasaa marka aad dadka way diiso ee aad tidhaa maxay ahaayen waxan oo mayd ihi waxa ay kugu jawaabayaan waxay kadheceed gaadhiga ama magafa iyo dad kaa is cidhiidhiyo deetana magafaha ayaa bir kukala jeexay oo wuu dhintay meel magafaa ayaan nimid oo foostooyin yalaan way nabaadhen waxay yidhah deen wixii lacag sitaa dhan how istaageen wixii kalana lacagta hakeenaan, rasaas ayay nala dheceen oo argagixiso ayaa nagu sameyeen markaa anuu waxan sitay shan boqol oo doollor markii ay rasaasta nagu fureen laba inamood ayay rasaastii ku dhacday oo ay dhinteen ayaan si deg deg ah u bixiyay anoo ku furanaayay inta kale ee nool kadib way nakaxeeyeen waxanay nageeyeen meel liibiya udhaw oo layidhaahdo itijaabiya halkaa nalagee yayana waxa naloo geeyay magafe kale”.
Iyadoo hadalkii sii wadata ayaa waxa ay tidhi “ Hadana way natumeen oo waxay nagu sameeyeen jidhdil badan iyo han jabaado aan kala joogsi lahayn waxa kaloo ay nagu sameeyeen inanta quruxda badan oo dhan way nagala dhex baxayeen oo ay kaxay sanayeen waxa kaloo ay si arxan daran ugaraacayeen dhalinyarada marka aan aragno inamadii oo hortayada lagu garaacayo ee aan ooyno ayay anagana nagu darayeen oo waxay nala dhacayeen tooriyo iyo budhadh,sidaa ayaanu wadanka Liibiya ku galay, libiya kolba gidaar ayaan fuulaynay inamada waa la qabanayay oo waa labahdilaayay dhibatooyin badan ayaan soo marnay dhibaatooyin kaa waawayn ee aan soo marnay waxaa kamid ah markii aan saxaraha soo maray nay horta wax rag sheegta way kudaayen waliba how bada naadan reer somaliland waxa kaloo jira marka laxidho dhalinyarada jeelka waa lagu bahdilaa”
Nasra oo aad ugu dheeraatay dhibta soo martay ayaa waxa ay tidhi “ Waxaan arkay meel laga tahriibiyo dadka oo uu haysto nin reer burco ah oo layidhaa magiciisa Ayjalam ninkaa gurigiisa anigoo doonaya kaxaystay dhalinyaro reer samaliland ah waana laqabtay waxaa lagu guray jeelka ugu wayn liibiya oo layidhaa khubis,waxa dhacay in ay dhalinyaradii ay kasoo daateen jeelka oo ay soo fakadeen halkaana waxa ku dhintay wiil yar oo reer Berbera ah waxaana toogtay askartii haysatay jeelka wxaanay xabad kala dhaceen madaxa intaa waxa dheer in dhalinyaradii ay qaar cago beeleen qaar naafoobeen qaarna ay darxumo u dhinteen waxan doonta kusoo raacnay boqol iyo labaatan qof waxaan ahayn saddex doomood waxaan bada dhex hehaabaynay saddex habeen iyo sadex maalmod todoba qof oo aan anuu ku jiro waxa nagulasoo qaaday hilicopter, waxaana nala geeyay dhakhtarka waxaanan koomo ku jiray todoba habeen oo aan bilaa miyar ahaa saxeddii domood ee kale waxay bada dhex hehaabayeen sadex iyo toban maalmood oo lalaa meel ay jaan iyo cidhib dhigeen waxaana dhacday in gaajadii ay dadkii iyagu ay iscuneen waxay ahaayeen tiro ahaan boqol iyo labaatan qof waxay kasoo kala jeedeen magalooyinka kala ah Hargaysa, Burco ceerigaabo iyo Berbera”.
Xigasho Foore.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...