Suldaan Xukuumadda Ku Bogaadiyay Kaalinta ay ka Qaadanayso Hirgelinta Jidka Bali-gubadle

Date:

Hargeysa (Wargane News)-Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka dalka, ayaa xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku bogaadiyay qaadhaanka lacageed ee ay kaga qeyb gashay jidka isku xidha Hargeysa iyo Degmadda Bali-gubadle ee xarunta gobolka Hawd.

“Waxaan xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo aan uga mahad celinayaa, kuna Bogaadinayaa qaadhaanka lacageed ee ay kaga qeyb qaadanayso jidka isku xidha Hargeysa iyo Bali-gubadle. Qaadhaankan oo ahaa kii u horeeyay ee ay ugu tallo-gashay inay kaga qeyb gasho qeybaha hore, aad iyo aad ayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisaba ugaga mahad naqayaa, uguna hambalyeynayaa,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo u warramayay warbaahinta dalka.

“Waxa kale oo xusid mudan in Wasiirka Madaxtooyaddu uu kulankii uu ku wareejinayay Guddida wadadaas 100kii kun ee dollar, uu ku balan-qaaday in marka 10Km ay bulshadu dhistaba inay iyaguna xukuumad ahaan ku darayaan 5km, taasi oo ah dhiiri gelin wanaagsan oo aanu soo dhaweynayo,”ayuu yidhi Suldaanku, waxaanu intaas ku ladhay “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa xukuumad qawlka ay gasho ka soo baxda oo rumaysa, waxaan ku ammaanayaa dedaalka ay ka wado dalka oo ay wax kaga qabanayso balaadhinta iyo casriyaynta jidadka dalka oo dhan.”

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi waxa kale oo uu u mahad celiyay bulsho weynta gobolka Hawd ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxaanu ku ammaanay dedaalka iyo dardarta ay geliyeen jidka isku xidha Hargeysa iyo Bali-gubadle.

Suldaanku waxa uu ugu baaqay bulshadda ka soo jeeda deegaankaasi inay kaalin weyn ka qaataan sidii ay u hirgelin lahaayeen wadadaasi, waxaanu xusay in xukuumadda Somaliland-na ay diyaar u tahay inay qeyb libaax ka qaadato wadadaas. “Dadweynaha waxaan leeyahay aynu innagu guntiga dhiisha iskaga dhigno, xukuumadda waxaynu ku maalaynaa oo ay wax inoola qabanaysaa waxaynu innagu qabsanno, markii aynu bilownay ee ay arragtay inay innaga dhab tahay waa taas deeqdii u horeysay Wasiirkii madaxtooyadda ee ay waddooyinku hoos imanayeen inoo keenay,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...