Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Cabdilaahi Fadal Iimaan Ayaa Ka Hadlay Qaraxii Sadexaad Ee Ka Dhaca Hargeysa

Date:

Hargeysa(Wargane News)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay caagadii saddexaad ee shaani ah oo galabta lagu qarxiyay agagaarka Dhismaha Maktabadda Masaarida ee caasimadda Hargeysa.

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in walaxda qaraxday loo qabtay laba nin oo baadhis kala duwan ay ciidanka Boolisku ku samaynayaan. “Galabta abbaarro 5:30 galabnimo waxa walaxda shaanida lagu qarxiyay agagaarka dhismaha maktabadda masaarida ee caasimadda Hargeysa, waxa halkaas la dhigay meel aad ugu dhow ciidammadda ammaanka noocyada kala duwan. Waxaana ciidammadu gacanta ku dhigeen laba nin oo kiis-kan loo qabtay oo mid ka mid ahi wajiga ka dhaawacan yahay,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo caawa u warramayay warbaahinta Qaranka. Cabdilaahi Fadal Iiman isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Sidaas darteed, waxa ciidanka boolisku ay wadaan baadhis xoog leh oo aanan jeclayn inaan ka hordhaco, waxase aan halkan ka sheegayaa dadka lagu qabto fal noocan oo kale ahi ciqaab adag ay mudan doonaan.” Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxa uu shacbiga ku dhaqan caasimadda Hargeysa ugu baaqay inay cidii nabad-gelyadda wax u dhimaysa kala shaqeeyaan oo ku soo wargeliyaan ciidammadda Booliska.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...