Wasiir Xigeenkii Hore Ee Amniga Abdillahi Abokor Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Hub Lagu Qabtey Gurigiisa

Hargaysa (Wargane News)-Ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwo sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano RRU-da, ayaa xalay saqbadhkii soo xidhay Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga, Cabdilaahi Abokor Cismaan, kaasi oo toddobaadkan eedaymo u jeedinayey xukuumadda.

Xaafadda Jigjiga yar oo uu ku yaallo guriga Cabdilaahi Abokor, ayaa muddo laga maqlayey dhawaaqa rasaas badan, taasi oo la sheegay inay isweydaarsadeen ciidamada ammaanka iyo rag joogay guriga siyaasiga la doonayey in la soo xidho ee Cabdilaahi Abokor Cismaan. ciidamada booliska iyo kuwo RRU-da oo is kaashanayaa ay ku guuleysteen inay soo xidhaan wasiir ku xigeenkii Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdilaahi Abokor Cismaan. Warka ayaa intaasi ku daraya, in sidoo kale la xidhay rag ay ehel yihiin Cabdilaahi Abokor, kuwaasi oo ay ku jiraan xubnihii isku dayey inay ciidanka iska difaacaan. Waxaana la sheegayaa in uu jiro dhaawac soo gaadhay qaar kamid ah ilaaladii la joogtay masuulkaa hore.

Comments

comments