Hargeysa(Wargane News)-Garabka Xisbiga Kulmiye ee kasoo horjeeda Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, oo uu hurmuud u yahey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa, soo saarey qoraal uu ku socodsiinayo hogaanka Xisbiga Kulmiye islamarkaana, uu ku magacabaayo Gudida qabanqaabada Shirka Golaha Dhexe.
Qoraalkan , oo nuqul kamid ahi soo gaadhey Shabakada Wararka Wargane News isagoo dhameys tiran waxa uu udhignaa sidan:.
“Ku: Hogaanka Xisbiga Kulmiye
Ujeedo:Magacaabis Guddi Qabanqaabo
Mudanayaal sida aad la socotaan waxa la qaban doonaa 1/6/2014ka Shirweynihii Sadexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye,hadaba si howshaasi si habsami ah ugu qabsoonto waxa la idiin Magacaabay Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
1-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin
2-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe
3-Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen(Balaaki)
4-Axmed Cali Maxamuud
5-Mustafe Faarax Abraar
6-Cabdi Siciid Faahiye
7-Maxamuud Axmed Saalax
Allaa Mahad Leh
Xasan Siciid Yuusuf
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye”.
Qoraalkan uu ku sexeexan yahey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye islamarkaana, uu ku socodsiinayo hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa u muuqda mid wali sii wada khilaafka u dhexeeya xiligan Xisbiga Kulmiye Gudihiisa