Aqoonsiga Itoobiya muxuu ku soo Kordhinayaa Somaliland?

Date:

Itoobiya iyo Somaliland waxa ay leeyihiin xidhiidh qoto dheer iyo iskaashi ku dhisan is garabsi.
Haddaba bulshada qaar ayaa is waydiinaya haddii itoobiya oo kali ahi ina aqoonsato muxuu innagu soo kordhinayaa?
Si aynu u waadixino arrintaas, cilaaqaadada ku dhisan danaha iyo aqoonsiyada waxa fure u ah oo lagu bilaabaa heer gobal, heer qaaradeed ka dib caalamka kale haddaba dunnida inteeda badan waxa ay innagula doodi jireen afrika dhexdeeda ayaad uga baahan tihiin cid idin aqoonsata oo hormood ka noqota qadiyadiina.
Sidaas marka ay tahay Itoobiya waxa ay door wayn ku leedahay midawga Afrika aasaaskiisii oo wakhtigaas lagu aasaasy magaciisa (Organisation of African Unity (OAU) 25 May 1963 -kii kaas oo ay saxeexeen 32 wadan oo xiligaas haystay xornimada ( 32 signatory governments) ilaa wakhtigaas waa xarunta ururka, sida oo kale waxa Itoobiya xarun u tahay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Pan Afrika ( Pan African Chamber of Commerce and Industry) , Guddiga ama Komishanka Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay (United Nations Economic Commission for Africa )oo la aasaasay 1958 -kii xaruntiisana Adiis laga 1961-kii
Waxa ay kaalin weyn ku leedahay oo ay xarun u tahay ciidamada afrika iyo dunnidu ee loo yaqaan (African Standby Force).
Waxa ay kaalin culus ku leedahay unnuga dawlad gobalaeedka ugu balaadhan Qaramada Midawbay ee (Group of 77) ay ku bahoobeen 135 wadan oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ubucdoodu tahay sidii wada xaajood isku dhafan loogu xoojin lahaa ganacsiga iyo siyaasaddaba.
Waxa ay isna kaalin laxaadle ku leedahay IGAD oo aynu ka wada dharagsanahay.
Marka aynu eegno doorarkaas waxa ay innagala shaqayn kartaa in aynu aqoonsigeeda kali ahayn ee qadiyadeena ku qancin karto saaxiibadeeda kale ee Afrika oo ay gaadhsiin karto heerkii ay Itoobiya iyo South Africa ay codka ugu qaadeen OAU dhexdiisa sanadkii 1982-kii Sahrawi Arab Democratic Republic kaas oo keenay in Maroco ay ka baxdo ururka midawga Afrika markii la aqoonsaday Saharaawiyiinta iyada oo 2017- kii Maroco ku soo noqotay midawga Afrika.
Arrintaasi oo keentay Saharaawiyiintuna ay ku heleen aqoonsiga gaadhay in dhawr jeer codka qaramada midoobay ay u qaadaan kuna heleen in 46 wadan oo xubno ka ahi aqoonsadaan iyada oo waliba Saharaawiyiintu dood ahaan teena ay ka meeqaan hooseeyaan.
Markaas cid kasta oo dhayalsanaysa aqoonsiga Itoobiya ama leh kaligeed waxba inooma kordhinayso ha ogaadaan kaalinteeda Afrika iyo gobalka dhexdiisa iyo Somaliland Mihiimada ay u leedahay in Wadamada gobalka iyo Afrika dhexdeedaba aynu uga baahanahay bilawga aqoonsiga.
BY: Libaan Ismaaciil Bulaale .
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...