Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo ka Qayb Galay Qalin Jebinta Jaamacadda Admas Hargaysa

Date:

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay ka qayb galay xafladda qalin jebinta dufcaddii 15-aad ee ka qalin jebisa Jaamacadda Admas faraceeda Hargeysa.

 

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyay qalin jebinta ardaydaas waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, aqoon yahano, xubno ka socday madaxda xisbiyadda qaranka, siyaasiyiin, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Admas, waalidiinta ardayda qalin jebisay iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, oo xafladaa ka hadlay ayaa u hanbalyeeyay ardayda qalin jebisay, waalidiintii ku soo tabcay, iyo macalimiintii wax soo barayay mudadii ay jaamacadda ku jireen.

Waxaanu yidhi “Waxaan hanbalyaynayaa maanta (shalay) oo farxad ii ah, in qalin jabintii 15-aad ee jaamacadda Admas aan joogno. Marka hore ardayda qalin jebiyay oo ay maalintoodii tahay waxaan leeyahay hanbalyo. Mustaqbal wanaagsan ayaanan idiiin rejaynayaa.

 

Waxa kaloo aan hanbalyaynayaa bahda jaamacadda Admas, maamulka, iyo macalimiinta, ee dedaalka badan soo geliyay in ay heerkan soo gaadhsiiyaan ardayda”.

 

Geesta kale Jaamacadda Admas ayaa magaaladda Hargaysa laga aasaasay sanadkii 2006-dii, waxaana mudadda ay shaqaynaysay ka qalin jebiyay arday aad u tiro badan, kuwaasoo qaarkood ay dalka madax ka yihiin.

 

Guddoomiyaha jaamacadda Admas Xuseen Cabdilaahi Maxamuud, oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka warbixiyay tiradda ardayda shalay jaamacadda ka qalin jebiyay, iyo heerarka waxbarasho ee ay qaateen.

 

Waxaanu yidhi, “Tiradda guud ee ardayda maanta (shalay) qalin jebinaysaa waa 364 arday. 302 arday derejadda digriiga ayay ka qalin jebinayaan. 62 ardaydna waxay ka qalin jebinayaan rejedadda labaad ama master-ta. Ardaydaasi geedi dheer ayay soo galeen, waanan ugu hanbalyaynayaa”.

Xuseen C/laahi Maxamuud, waxa kaloo uu sheegay in jaamacadda Admas ay hadda u gudubtay in ay samayso heer cilmi baadhis. “Maanta Jaamacadu way ka gudubtay derejadii waxbarashada oo isku filaansho ayaanu  ka gaadhnay,waxaanuna ugudubnay oo xooga saaraynaa Cilmi baadhista” ayuu yidhi guddoomiyaha Jaamacada ADMAS Xuseen Cabdilaahi Maxamuud.

 

Gebagebadii xafladaasi ayaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyay ardaydii ka qalin jebiyay jaamacadda Admas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...