Xaasidnimada Iyo Xanuunada Ay Keento!

Date:

Daraasad lagu baahiyay mareegta Psychological Counseling oo ay sameeyeen koox cilmi baadhayaal Ruush ah ayaa cadaysay in qofku marka uu xaasid noqdo ay noloshiisa waxyeelo weyn soo gaadhayso.  Daraasadda ayaa muujisay in xaasidnimadu ay tahay in qofku aanu ogolaan in qof kale ka sareeyo ama ka fiicnaado.

 

Cilmi-baadhayaasha ayaa xaasidnimada ka dhigay laba nooc mid “wax dhista” iyo mid “wax dumisa”. Iyadoo tan wax dhistaa ay qofka ku keento inuu  naftiisa horumariyo si uu u gaadho dadka ka sareeya, halka tan wax dumisa uu qofka xaasidka ahi uu ku dhaqaaqayo falal khariban oo dadka ka sareeya u qaadayo, waxaana taasi  ay ku keenta xanuuno nafsaani ah oo dhinaca maskaxda ah oo horseeda shaki iyo waali buuxda.

Khabiirka Marina Sorkova oo aqoon sare u leh xisaabta ayaa sheegay in mudadii ay wadeen baadhista dadkii ay ku arkeen xaasidnimada ay arkeen inay la dhibaataysan yihiin niyad jab, iyo xanuuno maskaxda ah, taasi oo ay sababtay iyagoo doonaya inay noqdaan dad dhamaystiran iyo in aanay dadka kale waxba helin, marka ay taasi gaadhi waayaan ama heli waayaan ay ku keento waali iyo xanuunu nafsani ah.  

Khubaradii daraasaddan diyaariyay ayaa ku taliyay in qofku uu ku dadaalo inuu naftiisa horumariyo, si quluubta dadka kale iyo jaceylkooda u hanto, iyo weliba inuu ka dheeraado in uu qofku raadiyo inuu noqdo mid dhammeystiran, maadaama ay dhibaatooyin badan oo xaasidnimadu ka mid tahay ay ku lammaan yihiin.   Islaamku waxa uu muslimiinta ku dhiirigeliyay is jacayl iyo wada noolaansho walaalnimo oo ka madhan xinka iyo xasadka xanuunka badana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...