Cidhibta Kibirka Iyo Hawada Sare!

Date:

CIrbixiyeenkii ugu   horeeyay dunida ee ay u suuragashay inuu dayax  gacmeed raaco kaasi oo hawada sare gaadhay, dhulkana ku wareego waxa uu ahaa Mr. Yuri Gagarin oo u dhashay dalka Ruushka.

Yuri Gagarin waxa uu saaraa dayax gacmeedkii “FOSTOK !” ee Ruushku hawada sare u diray bishii April 12, sanadkii 1961. Cirbixiyeenkani  markii uu hawada sare gaadhay waxa uu arkay cajaa’ibka abuurka caalamka, xarunta hawada sare ee laga diray ayuu usoo soo diray fariinta ah: “ Macquul maaha, suurtagalna noqomayso in kawkan quruxda badani uu iska yimi iyadoo aanay jirin cid abuurtay. Waxa xaqiiq ah inuu jiro Abuure weyn oo sameeyay kawnkan cajiibka ah”.

Weedhaha waxa bedelay warbahinta dawladda Ruushka oo baahisay warkan inuu sii gudbiyay Yuri Gagarin oo uu yidhi  “ Halkan kumaan arag Ilaah”.

Markii uu Yuri Gagrin dhulka ku soo noqday ayuu isaguna xaqiiqdii qariyay oo bedalay weedhihiisa hore oo yidhi: “Hawada sare kumaan arag Ilaaha ay rumaysan yihiin dadka Muslimiinta ahi “. Waxaana uu qariyay xaqiiqdii uu hore u baahiyay.

Haddaba bishii March 27kii , sanadkii 1968kii , isaga iyo saaxiibkii ayaa raacay dayuurad laba qof qaada oo ah Mig 15, iyagoo samaynayay duulimaad tijaabo ah.   Dayuuradda ayaa burburtay oo soo dhacday iyadoo aan ilaa maanta la garanayn sababta dayuuraddu u burburtay. Yuri Gagrin iyo saaxiibkii ayaa ku bes beelay dayuuradda dhexdeeda isagoo noqday dambas aan laga helin wax la aaso. Baadhaayaasha sababta shilka dayuurada ku hawlanaa ayaa  gebi ahaan sheegay in aanay garanayn sabab cad oo la sheego oo dayuuradaasi u dhacday.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...