Tababar Ku Saabsan Hababka Casriga ah ee loo Kala Korin Karo Ubadka

Date:

Barnaaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan qormadeena kowaad waxa aynu ku soo qaadan doonaa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, waxaadeeda kala korinta ubadka oo qabatay tababar ku saabsan hababka casriga ah ee loo kala korin karo ubadka wakhtigan, taasi oo loo furay 24 dhakhtar oo ka kala socday Cisbitaalada waawayn ee dalka oo dhan.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland qaybteeda kala korinta ubadka ee ayaa tobabar ugu talo gashay in ay ka faa’iidaystaan dhammaan dhakhaatiirka ka qayb qaadanayay tababarkan, isla markaasina ugu tabarucaan bulshada ay u adeegaan.

Kala korinta ubadka ayaa waxa ay faa’iido wayn u leedahay hooyada caruurta haysata, taasi oo u noqonaysa in ay hooyadu ka soo kabato umusha, isla markaasi ay jidh ahaan iyo nafsad ahaan ba u soo noqoto si ay diyaar ugu noqoto inay uur kale qaado.

Tababarkan ayaa waxa ay dhakhaatiirka ka qayb qaadanayay halkan ku barteen hababka ugu wanaagsan ee ay lamaanaha is qabaa u kala korin karaan ubadka iyo wax yaabaha looga baahan yahay inay sameeyaan, sidoo kale dhakhaatiirtan ayaa ku baran doona tababarkan wax yaabaha looga baahan yahay qofka raba inuu kala koriyo ubadka iyo sida ugu fiican ee uu u kala korin karo ubadka

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Haayadda UNFPA oo socon doona mudo Lix  maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo Xirfadda shaqaalaha Caafimaadka ee dhamaan gobolada dalka iyo sidoo kale loo daadajin lahaa siyaasadii Wasaaradda ee ahaa kala korinta ubadka.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...