Burburka Umadaha Iyo Qishka Imtixaanka?!

Date:

Mid ka mid ah, macallimiinta dhiga Jaamacadda dalka Koonfur Afrika ayaa ardaydiisa oo ka koobnayd heerarka aqoonta ee kala duwan ( Degree, Master iyo PHD) u qorey warqad uu kaga warramayo xaaladda kulliyadda uu dhigo ee jaamacadda Koonfur Afrika.

Professorka ayaa kelmadahan ku qoray warqadiisa: ” Burburka ummaduhu uma baahna atoomik bam ( Nuyukliyer) iyo ganataalaha riddada dheer oo lagu baabiiyo.  Laakiin ogow waxa lagu baabiin karaa in hoos-u-dhac lagu sameeyo tayada waxbarasho iyo manhajka  dalka, ardaydana loo ogolaado in imtixaanka ay qishaan.

Arinkaasi ayaa suuro-gelinaya in qofkii bukey ku hoos dhinto dhakhtar aan waxba la soo barin oo ku soo gudbay Qish iyo eegashada immtixaanka, dhismaha guryuhuna ku dumaan Engineero aan aqoon lahayn oo ku soo baasey Qish, hantiduna ku lunto xisaabiye, ku soo baxay Qish.

Ixtiraamka Aadminimona  ku hoos dhinto wadaad ku soo gudbay aqoon diin ahaaneed oo Qish ah, caddaaladduna ku dayacanto garsoore isna aqoon sharci aan lahayn oo sita shahaado magac u yaal ah. Intaasi marka ay dhacdo waxa Jahligu ku fidiyaa Caqliyada dhallinyarada, kaas oo uu gaadhsiinayo macallin isaga lafterkiisuna ku soo gudbay Qish”. Burburka tacliintu waa Burburka ummadda. (Jamiiforums.Com)

 

 

Previous article
Next article

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...