Basaasadii Badbaadisay Ciidankeeda!

Date:

Masha Brukina waxay dhalatay 26 October , sanadkii 1924, waxay  ahayd Ruush laakiin asalkeedu waxa uu ka soo jeeday Yuhuudda. Sanadkii 1941 iyadoo 17  sano jirtay ayay xubin ka ahayd Ururkii Yuhuudda deganayda Minsk oo ah magaalada caasimadda u aha Bellarusia.

Markii uu dagaalkii labaad socday waxay si samafal ah ugu shaqaysay kalkaaliso caafimaad iyadoo ka hawlgashay Isbitaalkii Polytechnic Institute hospital ee ku yaallay Jarmalka oo wakhtigaasi la dhigi jiray dhaawicii askarta ciidankii Ruushka ee lagu magacaabi jiray Ciidanka cas (Red Army).  Ujeedada ay sida samafalka ugaga shaqaynaysa Isbitaalkan ayaa aha sidii ay ciidanka maxaabiista ah u badbaadin lahayd.

Ka sakow daawada iyo daryeelka ay siinaysay ciidankaasi dhaawac ah ee haddana maxaabiista ah, waxay ka caawin jirtay sidii ay u baxsan lahaayeen, waxayna ku tahriibin jirtay iyadoo siin jirtay dhar shacab oo ay xidhaan iyo waraaqo aqoonsi dhakhtar oo been abuur ah oo muujinaya inay yihiin shicib dagaalada ku waxyeeloobay si fiican ayayna hawshaasi u gudatay.

Wakhti danbe ayuu Qof  bukaan jiif ah oo Jamal ahi fashilyay sirta ay ku shaqayso gabadha Masha, waxaana uu u sheegay ciidankii Jarmalkii isagoo weydiiyay gabadha Masha Bruskina maxay qabataa? Maxaadse ka warhaysaan?, Waar waa gabadh ciidan ah.

Sirdoonka Jarmalka ayaa qabtay bishii October 14-keedi sanadkii 1941. Gabadha Masha Waxay ahayd gabadh ka tirsanayd ciidanka Wehrmacht 707 ee guutada lugta (infantry) ee  Jarmalka oo dagaalka kaga jiray jihada bariga, laakiin ahayd basaasad qalbi adag oo Ruushka u shaqaysa.

Isla Markii la qabtay waxay warqad u qortay hooyadeed waxayna ku tidhi :”  Aad ayaan uga dhibaatoonayaa inaan sabab u noqday inaan idinku abuuro werwer iyo walbahaar badan. Laakiin aniga dhinacayga wax xumi iguma dhicin. Dhibta i haysata waa werwerkiina. Waan dhaaranayaa waxaad heli doontaa arimo badan oo aanad ku farax doonin oo dhinacayga ah. Haddii aad awoodo iisoo dir toobkaygii doogada ahaa iyo sharabaadaydii cadcadaa. Waxaan rabaa inaan si fiican usii lebisto marka aan halkan ka tegayo” , Fariintaasi ayaa muujinaysay inay qirasan tahay denbigeeda.

Waxayna ahayd basaasad da’yar oo Ruush oo qalbi adag , oo badbaadisay tiro badan oo ka tirsanaa ciidankii Red army ee Ruushka ee dhaawaca lagu soo qabtay.  Waxaana Jarmalku deldeleen maalin Axad ah bishii October 26, sanadkii 1941.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...