Hargeysa(Dawan):-Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Caafimaadka ayaa iska kaashanaya hubinta daryeelka iyo badqabka Caafimaadka Ciyaartoyga.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa sheegay in Wasaarada Caafimaadka ay ka wadahadleen in la hubiyo badqabka Caafimaadka Ciyaartoyga.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu kulan wada qaadanay Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye,waxaana kulankaasi ku sahabsanaa badqabka hubinta iyo Daryeelka Ciyaartoyga ee dhinaca Caafimaadka.bishan gudaheeda alle, ha,Unaxariistee labo Ciyaartoy ayaa ku geeriyooday, iyagoo ku guddo jiray ciyaar kubada cagta.anaga oo ka gudanayna waajibaadkii aanu u xilsaarnan waxa aanu la kaashanaynaa Wasaarada Caafimaadka in la hubiyo badqabka Caafimaadka Ciyaartoyga hadii tahay dhiigu in uu ku filanyahay iyo nafaqada iyo in Ciyaartoyga laga baadho in ay isyicmaalaan dawooyinka daraagiska oo Wasaarada Caafimaadka gacan naga siiso baadhitaankooda,”.
Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa waxa uu tilmaamay in muhiimtahay badqabka xaalada Caafimaaf ee Ciyaartoyga.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu isku nimid Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha hawl qaranka muhiim u ah,sidii looga hawl gali lahaa badqabka xaalada Caafimaad ee Ciyaartoyga.waxaana muhiima in la hubo badqabka Caafimaadka ee Ciyaartoyga lana hubiyo in Ciyaaraha gali karaan iyo guud ahaanba xaaladiisa Caafimaad,waxyaabahaas dhan waxa ay u baahanyihiin in laga warhayo Caafimaadka Ciyaartoyga,”