Noolaha Farxadda Ku Jira Ayaa Ka Dhiban!

Date:

Bandhigani  waa mid ka mid ah xafladaha dalxiisayaashu xiiseeyaan ee ugu caansan dalka Spain. Waa xaflada ugu muhiimsan soo dhowaynta dalxiisayaasha maxaa yeelay waxay socotaa muddo bil ah.  Mudadaasi ayay dalxiisayaasha caado u leeyihin inay arkaan lo’da dibad galeenka ah oo ordaya isla markaana wareegayaa waddooyinka magaalada.

Dadka qaarkood oo xidhan dirays gaar ah ayaa Dibigaasi duurjoogta ah ee cadhaysan hor cararaya iyagoo haddana iska ilaalinaya in aanu dhibaato gaadhsiin.  Inkastoo aan ognahay ciyaaraha caanka ah ee halistu ku lamaan tahay ee dagaalka Dibiga iyo ninka, haddana kani waaba ka sii khatar badan yahay, maxaa yeelay Dibigani wuxu weerarayaa bulshada oo dhan,

Waxaana dhacda in mararka qaarkood ku dilo hirdida ugu horaysay qof aan iskaba arkayn. Sidaa darteed goobaha Dibidan laga soo daayo waxa ka fogaada dhamaan dadka qalbiga jilicsan oo dhan, iyagoo bulshada kale ee diyaarka u ah inay ka qayb qaataan ay soo xidhaan dhar cadaan ah iyo midabo casaan ahi ku jiraan.

Dadka ka qayb galayaa waxay uga jeedaan qosol iyo madadaalo laakiin xayawanaada Dibida ah dhib badan ayaa soo gaadha, maadama ay kolba qofka ka cadhaysiiya ay eryadaan marka ay gaadhi waayaan haddana mid kale eryadaan ilaa ay dibidaasi qaarkood daalaan oo iskaba fadhiistaan iyagoo murugaysan, halka ay dadka ka maadaysanaya ay farxad iyo qosol isku maaweeliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...