Bulshada Ogaadeen xuquuq gaar ah ayay Somaliland ku leeyahiin

Date:

Bulshada Ogaadeen xuquuq gaar ah ayay Somaliland ku leeyahiin, sababa badan awgood:
– Waa marka koowaad’e, waa cashuur bixiyayaal wax ku leh mushaharka uu
madaxweynaha Somaliland qaato. Badeecado ay Somaliland cashuurtay ayay suuqyada SL ka gataan ama loo iib geeyaa, halka Itoobiyada kale wixii u socdaa transit ku dhaafaan Somaliland.
– Xoolaha Soomaalida ee Somaliland cashuurto, inta ugu badan inta dibadda Somaliland ka timaadaa waa wax-soo-saar Ogaadeen. Wax ay sax ku ahayd, in Somaliland keliya cashuurto xoolaha gudaha Somaliland ka soo baxa, kuwa kale na ka qaado adeegayada ay dekaddu u qabato. Markaa mar labaad na waa cashuur bixiyayaal, haddana qeyb ka ah wadarta wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP).
– Qurbajoogta Somaalida ee Somaliland soo booqda, oo dakhli soo geliya dalka waxaa ugu badan kuwa Ogaadeen. Marka ay maalmo dhaantada ka soo tumaan Dhagaxbuur iyo Qabritahare ee Jigjiga ku soo laabtaan, waa qasab in ay cagta soo geliyaan Hargaysa, marmar badana illaa bari ayay socdaan. Ma jirto cid kale oo Somaliland sidaa u soo booqata, dalkana dakhli soo gelisa.
– Waa mar afraad’e waxay deegaan badan iyo ood-wadaag ba la yahiin Garxajis iyo Arab; waxay na ahayd in habmaamuus gooniya lagu qaabilo. Laakiin nasiib darro, labadaas beelood iyo qaar kale ba hadda wax saameyn ah kuma laha xukunka SL iyo falsafada uu ku dhisan yahay – hadda ka hadli maayo xilalka dawladda – waxaan u jeedaa xukunka iyo xikmadda lagu hoggaamiyo.
Mar bay ido ku jiidhaane, inaabtidayo iyo Ogaadeen ba waxaanu leenahay, arrinku hadda ayuu noogu dhowyahee, waayo na dhowra, Isaxaaq dhammaantii waa loo abaalgudiye.
Xasan Garnyal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...