Xukuumadda Somaliland oo si Adag ugu Jawaabtay China

Date:

“Xornimo ayaan ku Dhalanay, Xornimana Waanu ku Noolaan Doonaa China-na Nama Xukumo”

“Ganacsigayaga waxaannu u maamulaynaa sidaanu rabno, mana jiro waddan kale oo na xukumi karaa”

Hargeysa (Sayruuq)- Wasiirka Arriimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa Jawaab adag siiyey Dawladda Shiinaha, isaga oo ku sugan dalka Taiwan oo ay socdaal shaqo ku joogaan isaga iyo wefti wasiirro ah oo ka socda dalka Somailland.

Wasiir Ciise ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal u madax banaan arrimihiisa oo aanay cid kale wax u yeedhin waxana uu yidhi “”Annaga oo xor ah ayaanu dhalanay, annaga oo xor ahna waanu sii joogi doonna amma sii jiri doonaa, Annaga ayaa arrimahayga u madax bannaan sida aanu u maamulanayno”

Wasiirka Arriimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi siinayey wakaaladda Wararka ee Ruetures ayaa yidhi “Shiinuhu waxba nooma yeedhin karo. Waddan kalena waxba nooma yeedhin karo”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciisa Kayd oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in aanu Shiinuhu u talin dalkiisa. Waxaanu yidhi “Waxaannu ku dhalannay xornimo, xornimo ayaannu ku sugnaan doonnaa, ganacsigayagana waxaannu u maamuli doonnaa sidaanu rabno, Shiinuhu ma awoodo in uu na xukumo, mana jiro waddan kale oo na xukum karaa.”

Wasiir Kayd waxa uu intaasi ku daray inay u furan yihiin inay la macaamilaan cid kasta oo ku ixtiraamta waddan madax-bannaan oo doonaysa inay ganacsi la’aan iyo wax shuruud ah ku xidhin. “Waxaan u maleynayaa inay taasi caddahay sida aan u tagi karo Shiinaha.”

Dawladdaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa ka maseeray xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada waddan ee dimuqraadiga ah ee Somaliland iyo Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...