Wargeyska caanka ah ee Wall Street Journal ayaa daabacay warbixin ku saabsan in Somaliland Saldhig Miltari ka siinayso Baddeeda islamarkaana bedelkeeda ka rabto Maraykanka aqoonsi.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biixi oo Maraykanka ku wajahan bisha Maarij uu qorshaynayo in uu Maraykanka u bandhigo ahmiyadda dekedda Berbera iyo sida ay u anfacayso danaha Maraykanka ee ka dhanka ah iska caabinta Shiinaha ee gobolka, islamarkaasna Somaliland bogcaddeeda istaraatijiga ah waydaarsanayso citiraaf caalami ah oo Maraykanku horseed ka noqdo.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in qorshahan ay caawinayso qalalaasaha ka taaggan gobolka gaar ahaana dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaan, islamarkaana ay muhiimad weyn leedahay sii wadida dimuqraaddiyadda iyo xasilloonida Somaliland.
Somaliland Offers U.S. Military Access to Port, Airfield as It Pushes for Nationhood